Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 23-ka January,2026
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka kula yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, isagoo u rajeeyay in muddada xil hayntiisa uu ku hoggaamiyo dalkiisa, nabad, xasillooni iyo horumar waara.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, iyagoo ka wadahadley xiriirka labada dal, xaaladda gobolka, adkaynta nabadgelyada iyo horumarka.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Dowld Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo ka dhacdey magaalada Laas Caanood.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula yeeshay magaalada Laas Caanood, qaar ka mid ah odayaasha, isimmada iyo cuqaasha dhaqanka Dowlad-Goboleedka Puntland oo uu hoggaaminay Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, munaasabadda caleemo-saarka Madaxda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Laas Caanood ku qaabilay, Wasiiro ka socday Dowladda Djibouti oo qeyb ka ahaa wafdigii ka qeybgaley caleemo-saarka madaxda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika, oo qeyb ka ah Bangiga Adduunka, Marwo Mary Porter Peschka,iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029)
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laas Caanood kaga qeyb-galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ka qabsoomtay magaalada Laascanood Xarunta Gobolka Sool.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laas Caanood ee kula kulmey odayaasha dhaqanka ee maamulada Jubaland, Dowlad Deegaanka iyo Waqooyi Bari,isaga oo xusay doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin adkaynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadin u diray ciidamada geesiyaasha Danab iyo kuwa Jubaland ee sida naf-hurnimada ah u jabiyay naftood-haligayaasha Khawaarijta ee isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan magaalo xeebeedka Kudhaa ee Gobolka Jubbada hoose.
10- Golaha Wasiirada ayaa kulankooda uga hadlay amniga, hawgallada ay wadaan ciidamada qaranka iyo gogosha wadahadal ee xukuumadda u fidisay dhinacyada siyaasadda.
11- Xukuumadda Soomaaliya, ayaa casuumaad rasmi ah oo ku aaddan kulanka wadatashiga arrimaha masiiriga u fidisay Golaha Mustaqbalka, waxaana loo madlay magaalada Muqdishu 1-da Febraaya 2026-ka.
12- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Dowladda Qatar, Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani.
13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo hambalyo diirran u diray bahda warbaahinta munaasabadda Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ,oo ku asteysan xuska taariikhiga ah ee bilowga saxaafadda iyo qoraalka Af-Soomaaliga.
14- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa socdaal shaqo ku gaaray dalka Pakistan,isagoo kulama la qaadan doonaa sarakiil ka tirsan Dowladda.
15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la yeeshay xubnaha Ururka Dalxiiska Soomaaliya SOMTA, waxaana kulanka diirrada lagu saarey xoojinta kobaca dalxiiska Soomaaliya oo kaalin muuqda ka qaadan kara sumcadda dalka, dhaqaalaha, shaqo abuurka isdhexgalka bulshada.
16- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ,ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani, ayaa magaalada Doha ku kala saxiixday heshiis iskaashi difaac ,kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.
17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya,Danjire Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abubakar,iyagoo kawada hadlay xoojinta xirirka taariikhiga ee labada dal.
18- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalim Caliyow Ibrow ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş,kulanka ayaa diirrada lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada kaalmada bulshada, horumarinta qoyska, iyo adeegyada bulshada.
19- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo Guddiga Hagidda Barnaamijka , kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska.
20- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.
21- Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka qaadan karaan kaarka aqoonsiga qaranka.
22- Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, ka dib markii magaalada Laas Caanood lagu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali.
23- Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageeradeeda mowqifyada Midowga Afrika (AU) iyo Urur-goboleedka IGAD ee la xiriira madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
25- Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee militariga Soomaaliya ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo guul ka gaaray hawlgal ka dhacay Kudhaa, Jubbada Hoose, laguna xaqiijiyay gacan-ku-haynta iyo amniga degaanka oo ay soo weerareen canaasiirta Khawaarijta ah ee Alshabaab.
26- Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale waxaa looga digay in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha Caasimadda Muqdisho.

==========DHAMMAAD============