Muqdisho:-SONNA-Degmada Afgooye waxa ay 30-km dhinaca Waqooyiga Galbeed kaga beegan tahay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waana mid kamid ah Magaalooyinka ama Degmooyinka ugu waaweyn 8-degmo ee uu ka kooban yahay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Magaalada waa mid Istiraatiiji ah oo ay maraan Wadooyin badan,oo xiriiriya gobolada Banaadir, Shabeelaha Hoose,Jubbada Dhexe,Jubbada Hoose, Baay iyo Bakool,Sidoo kale Degmada Afgooye waxa ay Xudun u tahay gobalka Shabeellaha Hoose oo kamid ah gobalada ugu Kheyraadka badan marka laga hadlayo dhinaca wax soo saarka Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha waxaana dhexmara Webiga Shabeelle oo ah isha wax soo saarka ee tabcashada beeraha.
Taariikha ahaan Degmada Afgooye waxaa ay ahad magaalo xadaaradleh oo gumeystihii ka hor iyadoo lagu xasuusto dagaalkii huwaanta ahaa ee Lafoole oo ay hoggaaminayso saldanadii Galadii kaas ย oo sababay in gumeystihii Taliyaaniga u heshiis la galo duqeydii degmada, si uu iskugu balaariyo goboladii koofurta ee la isku oran jiray Somali Italiano ee uu gumeystay gumeytihii Taliyaaniga.
Magaca ย magaalada ee hada ay caanka ku tahay ee Afgooye waxaa u asal ahaan ka yimid dagaal laguย soo afjaray boqortooyadii ka talin jirtay ee lagu magacabi jiray boqortooyada Silcis oo doonaysay in ay gacan ta ku hayso degmada, balse ay ka soo horjeesteen dadka degmada taas oo magac ahaan micno ahaan u tagaan soo afjarid dagaal ama lagu sooย Af gooyay,magacii hore ee magaaladaย loo yaqaanay ayaa ahaa Arundaale.
Halkan ka daawo sawirada Degmada Afgooye