Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixin: Hay’adda Lacagta Adduunka oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay qeybta 1-aad ee wejiga 4-aad ee Barnaamijka deyn cafinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Warbixin: Hay’adda Lacagta Adduunka oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay qeybta 1-aad ee wejiga 4-aad ee Barnaamijka deyn cafinta
Wararka

Warbixin: Hay’adda Lacagta Adduunka oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay qeybta 1-aad ee wejiga 4-aad ee Barnaamijka deyn cafinta

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 19, 2019
5 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Warbixin ay hay’adda Lacagta Adduunka ka soo saartay wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagtu ay isla garteen dhameystirka qeybta koowaad ee wajiga Afaraad ee wada hadalka deyn cafinta  (SMP4).

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxa ay sii wadeen  go’aankooda horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey’adaha maaliyadda waana tallaabo taageeraysa qanaacada ka gudbida shuruudaha horyaalla Barnaamijka dabagalka deyn cafinta”  ayaa lagu yiri Warbixinta IMF.

Kooxda Wadahadalka dayn cafinta oo ay hogaaminaysa Allison Holland  waxay Addis Ababa Itoobiya kula kulmeen 10 kii ilaa 13 kii Semtember  masuuliyinta Soomaaliya si looga wada hadlo qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee daynta cafinta oo ku jireen kor u qaadista dakhliga dalka, xoojinta maamulka maaliyadda, sugidda degganaashaha dhaqaalaha iyo xoojinta shuruucda oo ay ku jiraan ka hortagidda dhaqidda Lacagaha iyo maalgelinta Argagaxisada

Dhammaadka booqashada Allison Holland hoggaanka wada hadalka deynta cafinta IMF waxay tiri

“Dooddii mira dhalka ahayd ee ay wada yeesheen mas’uuliyiinta IMF iyo Soomaaliya waxay heshiis ku gaareen in la dhameystiro qeybta Koowaad ee wajiga Afaraad ee barnaamija dabagalka deynta, waxaana heshiisku sugayaa ansixinta maamulka hay’adda Lacaga Adduunka “

“Kobaca dhaqaalaha waa mid deggen  2.9 Boqolkiiba 2019 sicirka Suuqase kor ayuu u kacay si ku meel gaar ah illaa 4.0 Boqolkiiba, waxaana sabab u ah qiimaha sarreeya ee Cunnada oo ay keeneen Roob yaridii dhacday horraantii Sanadkan, adkaashaha xaaladaha ammaanka iyo isbeddalka cimmilada” ayay tiri IMF.

“Hay’adda Lacagta Adduunka waxay soo dhoweynaysaa sida mas’uuliyiinta Soomaaliya ay uga go’an tahay fulinta dib u habeyntii shuruudihii loo qaabeeyay qeybta koowaad, dib u habeyntaasi waxa cabirkeedu ahaa gaariska hadafyada wajiga Afaraad waana la wajahay, inkastoo weli ay qataro jiraan haddana waxaa la sameeyay horumar kuwaas oo u gogol xaaraya ka guul gaaridda qeybta Labaad ee wajiga Afaraad”

“Hannaanka maamulka maaliyadda waxa uu ku joogaa waddadii la rabay, uruurinta dakhliga billowgii Sanadkan illaa July 2019 waxaa uu ka sara maray intii la filayay, kooxda IMF waxay soo dhoweysay nidaamka cusub ee Lacagaha moobaylka la isugu diro kaas oo muhiim u ahaa barnaajikan iyo degganaashaha dhaqaalaha “

“waxaan ku faraxsannahay go’aanka wadajirka ah ee wasiirrada maaliyadda Dowlad Goblleedyada iyo wasiirka maaliyadda ee Dowladda federaalka si loo hubiyo ka guul gaaridda Barnaamijka  deyn dhaafka  iyo in meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaasadda.

Hay’adda Lacagta Adduunku waxay dhiirri galinaysaa joogteynta wada shaqeynta Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada si loo wajaho qataraha ku hor gudban barnaamijkan”

“Mas’uuliyiinta waxa looga baahan yahay adkeynta go’aankooda ka guul gaaridda wejiga Afaraad si loo gaaro  shirweynaha go’aan gaarista deyn cafinta, mas’uulyintu waxa kale oo ay wadajir uga shaqeeyeen qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka oo ay ugu talagaleen in lagu  wajaho shuruudaha hal abuurka kama dambeysta ah ee deyn cafinta oo ay ku irto yaraynta faqriga oo la dhameystiray”

“Si loo gaaro hadafka hal abuurka kama dambeysta ee deynta cafinta sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan waxaa lagama maarmaan ah taageero xooggan oo Beesha caalamku ku bixiyaan si loo hubiyo in Soomaaliya gaartay halkii ay uga baahneeyeen hay’adaha dhaqaalaha Caalamka iyo deyn dhaafka”

“Inta lagu jiray booqashada wafdiga hay’adda Lacagta Adduunka matalayay waxay la kulmeen wasiirka maaliyadda Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Guddiga maaliyadda Baarlamanka oo ay warbixin ka dhagaysteen.

Sidoo kale waxay la kulmeen qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha kale ee qeybta ka ah barnaamijka deyn cafnta”

“Kooxda Barnaamijka dabagalka deyn cafinta waxa ay  ku casuumeen Bangiga Adduunka, Midoowga Yurub iyo  wasiirrada maaliyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo yeeshay aqoon is-weydaarsi ku saabsanaa caqabadaha iyo  fursadaha horyaalla deyn dhaafka, kaasi oo dhacay 14-kii September.

Cabdishakuur Cali Axmed

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

RASMI: Anwar Sayid Cali (Shakunda) oo heshiiska u kordhiyey Kooxda Elman… + SAWIRRO.

Muqdisho(SONNA)-Ciyaaryahanka lagu magacaabo Anwar Sayid Cali (Shakunda) ayaa kooxdiisa Elman u saxiixay heshiis cusub oo ku sii joogi doono Kooxdiisa…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Wasiirka deegaanka oo New York uga qaybgashay shirka maalgashiga Afrika

New York (SONNA): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay…

GudahaWararka
September 25, 2024

Afar ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay duleedka Kismaayo

Kismaayo.(SONNA)...Howlgal qorsheeysan oo ay qaadeen  ciidanka daraawiishta jubbaland  ayaa lagu dilay maleehsiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab oo si dhuumaaleysi ah…

Wararka
January 9, 2020

Galmudug oo sheegtay in ay tayaynayso dhaqanka da’yarta+Sawirro

Dhuusamareeb-(SONNA)-Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka daah-furtay munaasabad lagu maamuusayo dhaqanka, si loo baro Dhalinyarada da'da…

WararkaWargayska
February 28, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023