Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulankii Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulankii Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar
GudahaWararka

Warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulankii Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar

By Abdulkadir
Last updated: January 22, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al- Sisi, ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Qaahira,kadib qabtay shir jaraa’id oo ay kaga wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladaha gobolka.

Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay rabitaanka xooggan ee Soomaaliya ee ku aaddan inay Masar kala shaqeyso sidii ammaanka loo xoojin lahaa, gaar ahaan xilligan oo ay jiro damac gurracan oo Soomaaliya kaga imaanaya Itoobiya, isagoo intaas ku daray in Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinac kasta uusan  aheyn mid khatar ku ah waddan kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri isagoo ka hadlaya heshiiska Itoobiya iyo Maamulka gobolada Waqooyi Somaliland, “Ma ogolaanayno in dhulalkeenna uu qabsado dal kale oo ay ku jirto Itoobiya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi waxa uu sheegay in Masar aysan ogolaan doonin wax dhibaato ah oo soo wajaha Soomaaliya iyo amnigeeda, isagoo intaa raaciyay in dalkiisa uu diidan yahay in la faragaliyo arrimaha Soomaaliya.

“ ma ogolaan doono in loo hanjabo walaalaheen Soomaaliya, markastana waxaan diyaar u nahay in aan garab istaagno walaalaheen’ayuu yiri madaxweynaha Masar.

Warbaahinta Carabta iyo Caalamka ayaa iftiimiyay kulankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Sisi ee ku saabsanaa diidmada faragelinta arrimaha Soomaaliya.

Dhinaca Masaarida Akhbar Al-Youm portay, waxa ay boggeeda ku daabacday shirkii miro dhalka ahaa ee dhex maray madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Masar, iyadoo ciwaankeedu ahaa: “Madaxweyne Sisi: Soomaaliya waa waddan Carbeed… Ma yeeli doono. cid kasta in ay khatar geliso ama ay amnigeeda wax u dhinto”.

Russia Today ayaa ciwaan uga dhigay “Al-Sisi: Masar ma ogolaan doonto wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeeda”.

Russia Today, oo soo xiganaysa hadalka Madaxweyne Sisi, ayaa yidhi: “Masar way diiday in la farageliyo arrimaha Soomaaliya.

Channel-ka Al-Hurra ayaa boggiisa Internet-ka ku daabacay kulanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifataax El-Sisi oo ciwaankiisu ahaa: “Bayaankii Masar ugu adkaa”…Fariinta Al-Sisi ee Itoobiya ka dib heshiiskii “Somaliland”.

Madaxweynaha Masar ayaa intaa ku daray: “Fariinta aan u dirayo Itoobiya waa… in ay isku daydo in ay ku boodo dhul ay isku daydo in ay maamusho, ma jirto cid ku heshiin doonta arrintaas”, isaga oo intaa ku daray in iskaashiga dhinaca horumarka uu yahay istaraatiijiyad wanaagsan.

Telefishanka France 24 ayaa cinwaankiisa ku qoray: “Sisi waxa uu ku nuuxnuuxsaday diidmada Masar ee ku xadgudubka madax-bannaanida Soomaaliya iyada oo uu jiro muran dhuleed oo u dhexeeya Muqdisho iyo Itoobiya.”

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗰𝗮𝘀𝗵𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝘂 𝘀𝗮𝗺𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗼𝗼𝗿𝘁𝗼 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula…

Wararka
July 23, 2023

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka…

Wararka
October 26, 2019

DF oo la wareegtay shixnad gargaar ah oo Dowladda Turkiga ugu talagalay shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho.(SONNA):- Munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta Dowladda Federaalka waxa ay kula wareegtay Markab weyn…

GudahaWararka
October 19, 2024

Soomaaliya oo safiirada caalamka ee Muqsisho jooga gaarsiisay go’aankeeda ku aaddan gardarrada Ethiopia

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda arrimaha dibedda dowladda FS oo maanta shir isagu yeertay danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa warbixin ka siisay Xaaladda…

GudahaWararka
January 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023