Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo
GudahaWararka

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

By Abdulkadir
Last updated: April 21, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo gorsheyaasha horumarmeed ee dalka, waxay muddo toban sano ah ku howlaneed dhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka kaas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada iyo sugidda amniga Qaranka.

Xukuumadda DFS ayaa horey u meelmarisay Siyaasadda Agoonsiga Qaranka, sidoo kale labadda Aqal ee Barlamaanka DFS ayaa iyana meelmariyey xeerka Aqoonsiga Qaranka Xeer lambar 9, Maarso 2023 iyo xeerka illaalinta Xogta Muwaadinka Xeer lambar 5, Maarso 2023, waxaana la aas-aasey Hay’adda Qaranka ee

Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga (NIRA). Waxaa sidoo kale dalka loo soo iibiyey qalab casri ah oo lagu daabaco, lagu keydiyo, laguna ilaaliyo xogta muwaadinunta Soomaaliyeed. Waxaana Aqoontooda la dhisey, si rasmi ahna loo dhaariyey shaqaalaha NIRA si ay si hufan oo ammaan ah ugu gutaan waajibaadkooda Qaran.

Ujeedada Aqoonsiga Qaranku waa mid qaran oo istiraatiji ah – in muwaadin kasta yeesho tirsi gaar ah (11 lambar) oo sharci ah, taasoo fududeyneysa helitaanka adeegyada dowliga ah, la-dagaallanka khatarta kooxaha Khawaarijta iyo kor u qaadidda socdaalka gudaha dalka iyo mustaqbalka dhow fursadaha u socdaalidda dalalka Bulshadda Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka nogotey. Sidoo kale, Aqoonsiga Qaranka wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa gaarista yoolka horumarineed ee SDG 16.9, oo ah in la gaaro aqoonsi sharci ah oo loo siman yahay dhammaan dadweynaha ka hor sanadka 2030.

Tallaabada uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta Aqoonsi kale oo lagu cargaladeynayo Aqoonsiga Qaranka (Lr. 04, 09/04/2025), waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeya hannaanka dowladnimadda dalka.
Waana jahwareer iyo nidaam daro dowladeed. Ficiladda noocan ahi wax sal iyo raad ah kuma lahan aragtiyadda dowladnimo iyo masuuliyad Qaran. Kamana muugato lixjeclo iyo dan-qasho ummadeed

Aqoonsiga Qaranku waa xaq muwaadin, mana bannaana in laga hor istaago ama laga carqaladeeyo. Qof kasta oo Soomaaliyeed xaq ayuu u leeyahay in uu helo aqoonsi sharci ah, oo xogtiisu amaan tahay. Tallaabo kasta oo lagu hor istaago xaqaas, waxaa loo aqoonsanayaa is-hortaag xuquuq muwaadinimo oo sharci ah.

Wasaaraddu waxay ku boorineysaa madaxda Puntland in ay si garanimo leh uga qeybqaataan hirgelinta Aqoonsiga Qaranka, ayna bulshada deegaanka uga faa’iideeyaan nidaamka qaran ee horey loo dhisay. Waxaa habboon in dhagaalaha ku baxaya dhismaha aqoonsi kale oo cusub loo adeegsado shaqooyinka ama adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka deegaanka, halku lagu abuuri lahaa nidaam kale oo cusub oo carqalad ku ah midnimada hay’adaha dowladda. Ma jirto awood dhaqaale oo suurto gelinaysa in dalku yeesho Aqoonsiyo kala duwan, marka si masuuliyad leh loo eego baahiyaha tiradda badan ee bulshadeena haysta.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxay mar kale xaqujineysaa in Aqoonsiga Qaranka yahay himilo Qaran, isla markaana u furan dhammaan shacabka Soomaaliyeed deegaan kasta oo ay joogaan. Waxaa muhim ah in aan carqalad iyo jahwareer lagu furin dadaaladda dowlad-dhiska dalka oo ah wax la wadda leeyahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝗪𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥𝗞𝗔 𝗜𝗦𝗚𝗔𝗔𝗥𝗦𝗜𝗜𝗡𝗧𝗔 XFS 𝗢𝗢 𝗦𝗛𝗜𝗥 𝗟𝗔 𝗤𝗔𝗔𝗧𝗔𝗬 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗗𝗔 𝗦𝗛𝗜𝗥𝗞𝗔𝗗𝗔𝗛𝗔 𝗜𝗦𝗚𝗔𝗔𝗥𝗦𝗜𝗜𝗡𝗧𝗔

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼-(SONNA)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Maxamed Aadan Macallin (Maxamed Soomaali) ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga…

GudahaWararka
April 23, 2024

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞, 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

Laascaanood(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo…

GudahaWararka
April 12, 2025

Madaxwaynaha shiinaha Xi JinPing “si adag ayaan kaga hortagaynaa cadowga qaybinaya dalkeenna”

Madaxwaynaha dalka shiinaha ayaa ku goodiyay in tallabo naxariis la’aan ah ka qaadayaan cid allaale ee isku daya in ay…

CaalamkaWararka
October 14, 2019

Lix iyo toban ruux oo ku dhintay Dalka Ciraaq

Shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga Ciraaq ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 qof oo u badan Shiicada Iiraan,iyadoo…

Caalamka
September 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023