Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 20, 2026
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: War-saxaafadeed: Soomaaliya oo Madagascar uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War-saxaafadeed: Soomaaliya oo Madagascar uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin Soomaaliyeed
GudahaWararka

War-saxaafadeed: Soomaaliya oo Madagascar uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin Soomaaliyeed

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 3, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):  Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelineysa Dawladda iyo shacabka Madagascar, gaar ahaan kalluumeysatada ku dhow Jasiiradda Nosy Iranja, dadaalka geesinimada leh ee ay u galeen soo badbaadinta 47 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku qalibantay labo doonyood 23-kii November, 2024. Dhacdadan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo tiradoodu dhan tahay 28 qof, iyadoo 23 lagu aasay Qabuuraha badda, halka 5 qofna lagu aasay Madagascar.

Dadka badbaaday oo ay ku jiraan 26 haween ah iyo 31 rag ah oo dhallinyaro ah, ayaa loo qaaday Jasiiradda Nosy Be, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin goob loogu talagalay. Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa maamulka Malagasy ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii dadkan dib loogu soo celin lahaa dalkooda, dibna ula midoobi lahaayeen qoysaskooda.

Socdaalkan ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo kooxdan ay soo mareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ku sii jeeday magaalada Mombasa, halkaasoo ay ka raaceen doomo si lama filaan ah ugu dagtay meel u dhow Madagascar. Tani waxay muujinaysaa khataraha soo foodsaartay soogalootiga adduunka oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wufuud heer sare ah u dirtay Madagascar si ay u kormeeraan xaaladda una xaqiijiyaan in kuwa badbaaday ay si nabad ah ku soo laabteen. Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada marxuumka, wuxuuna caddeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay ka hortagga musiibooyinka noocan oo kale ah.

“Masiibadani waa mid xusuusinaysa safarrada khatarta ah ee ay dad badani galaan si ay u helaan nolol ka wanaagsan. Waxaan uga mahadcelineynaa dadka Madagascar naxariista iyo geesinimada ay u muujiyeen badbaadinta muwaadiniinteenna, waxaana ka go’an inaan xaqiijinno inay si nabad ah ku soo laabtaan,” ayuu yiri wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar.

Sidoo kale, Dowladda ayaa dib u soo celinaysa 109-dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xiran dalka Liibiya, iyadoo lagu wado inay dalka dib ugu soo laabtaan Khamiista, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay in la caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Togo iyo gobolla kale.

Dhacdadani waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida degdega ah ee loo qabo iskaashi caalami ah si wax looga qabto sababaha asaasiga ah ee tahriibka, oo ay ku jiraan saboolnimada iyo ka ganacsiga dadka. Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa bulshada caalamka inay taageeraan hindisayaasha kor u qaadaya socdaalka badbaadada leh.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho.SONNA...- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka,…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo shaaciyey Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada rayid ee soo xulaya ergada saddex kursi

Kismaayo-(SONNA)-Guddiga maamulka doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa goor dhow guddiga hergalinta doorashooyinka heer Federaal u soo gudbiyay Odayaasha dhaqanka iyo…

GudahaWararka
January 23, 2022

Kumaandooska Danab oo Jubbada dhexe ku dilay Horjooge u dhashay Dalka Nepal.

Muqdisho (SONNA)-Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka kumaandooska Danab  ayay ku dileen mid kamid ah horjoogeyaasha argagixisada Alshabaab u qaabilsanaa…

Wararka
June 25, 2020

Shirweynaha 14-aad ee ururka Warbaahinta Midowga Afrika oo lagu soo gaba gaɓeeyay Nigeria

Muqdisho(SONNA):-Shirkan oo socday intii u dhaxaysay 16-20 May waxaa ka qeyb agaasimayaasha Warbaahinta dadweynaha ee dowladaha Afrika, ururada taageerada Warbaahinta…

Wararka
May 22, 2023

Hay’adda SoDMA oo gargaar u qeybisay 1,500 oo Qoys oo ku nool degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi (SONNA):- Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo kaashanaysa maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa 1,500 oo…

GudahaWararka
December 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023