Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐
    July 23, 2025
    Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐šqada XFS ๐จ๐จ d๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ m๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ lagu horumarinayo q๐จ๐ฒ๐ฌ๐š๐ฌ d๐š๐ง๐ฒ๐š๐ซ ๐š๐ก
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: WAR MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > WAR MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA
Gudaha

WAR MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

By Agaasimaha SONNA
Last updated: May 27, 2021
13 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)-Shir Madaxeed ay isugu yimaadeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoominayey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayna ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi, Madaxweynaha, Jubaland Axmed Sh Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxed {Laftagaren, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye{ Qoorqoor}, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen { Cali Guudlaawe}, iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxuud Maxed Filish.

Shirka ayaa ka dhacay Magaalada Mogadisho, socdayna 22 โ€“ 26 May 2021. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa si qoto dheer uga dooday xal u helista caqabadaha fulinta heshiiskii 17 September 2020 ee hannaanka qabsoomidda doorashada hayโ€™adaha dastuuriga ah ee Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyey soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo ee 16 February 2021 si ay u meel mariyaan qodobada farsamo ee soo jeedinta Guddiga oo ka koobnaa:

  1. Tubta xallinta cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer Guddi.
  2. Xal u helidda Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland
  3. Hannaanka xalinta khilaafka Gobolka Gedo
  4. Hirgelinta qoondada haweenka
  5. Jadwalka qabsoomidda Doorashada

Golaha ayaa sidoo kale ka wada hadlay qodobo ay u arkeen in ay muhiim u yihiin qabsoomidda doorashada oo ay ka mid yihiin; amniga guud ee Dalka,kan doorashada iyo Qariiradda (Roadmap) dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Haddaba, Golaha Wadatashiga Qaranka, iyagoo tixgalinaya baahida loo qabo in doorashada hayโ€™adaha Federaalka Soomaaliya ay ku qabsoonto muddo cayiman, kuna dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah, Dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed, waxay dood iyo falanqeyn dheer kadib goโ€™aamiyeen qodobada soo socda:

  1. Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka
  2. Goluhu wuxuu goโ€™aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.
  3. Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.
  4. Guddiyadu waxay iska dhex dooranayaan guddoonkooda kadib markii ay soo dhameystirmaan.
  5. Xallinta khilaafka Guddiga maamulka doorashada Somaliland

Golaha Wadatashiga Qaranku wuxuu goโ€™aamiyey:

  1. Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ayaa ka masuul ah habsami usocodka Doorashooyinka Kuraasta Soomaaliland isagoo ka talo-galinaya Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Raโ€™iisul Wasaare kuxigeenka.
  2. Gudoomiye Cabdi xaashi ayaa soo magacaabaya 4 Xubnood oo ka mid ah gudigga maamulka doorashada ee kuraasta soomaaliland {SEIT}, hal xubin oo ah guddiga Maamulka doorashooyinka ee Heer Federaal ee Soomaaliland {FEIT} iyo xal xubin oo ah gudiga Khilaafaadka.
  3. Hannaanka xallinta khilaafka Gobolka Gedo

Shirka ayaa si qoto dheer u falanqeeyey, ugana dooday xaaladda Gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xeeriyey soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo ee 16 February 2021 ee tubta xalinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo guud ahaan iyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd Magaalada Garbahaarey.

Haddaba, Goluhu wuxuu goโ€™aamiyey:

  1. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ugu baaqayaan bulshada Gobolka Gedo in laga shaqeeyo nabadda, midnimada iyo wadajirka bulsho iyo kan maamul ee Jubaland.
  2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu goโ€™aamiyey in Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalku uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta Gobolka Gedo si ay habsami ugu dhacdo doorashada Gobolka Gedo.
  3. Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu goโ€™aamiyey abuuridda guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo aysan ku jirin Jubaland si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhabo.
  • Guddigu wuxuu ka masuul yahay abuuridda jawi xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo ay ku qabsoomi karto doorasho wada oggol ah oo ka dhacda Magaalada Garbahaarey iyagoo si dhaw ula shaqeynaya Raโ€™iisul Wasaaraha XFS.
  • Gudigu wuxuu soo jeedinayaa min labo Xubnood ee jagada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garbahaareey iyagoo latashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan.
  • Guddiga waxaa lagu soo magacaabayaa muddo 3 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan.
  1. Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka Degmada Garbahaarey ee ay soo gudbiyeen Guddiga dib u heshiisiinta si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamada 16 February 2021 ee Baydhabo.
  2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu farayaa Guddiga dib u heshiisiinta in ay ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta Gobolka Gedo guud ahaan iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa magacaabidda Guddiga.
  3. Dhinaca amniga doorashada Garbahaarey, Goluhu wuxuu goโ€™aamiyey:
  4. In Booliska AMISOM la geeyo Magaalada Garba
  5. haarey si ay u hubiyaan amniga Magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashadu,
  • In Guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka cusub ee ay soo magacawday Jubbaland ka soo talo bixinayaan, kana shaqeeyaan sidii Guddiga doorashada, ergada iyo murashaxiinta loogu diyaarin lahaa ilaalo gaar ah (Close Protection) ee amnigooda si loo helo amni laysku halayn karo muddada ay doorashadu socoto.
  1. Goluhu wuxuu goโ€™aamiyey in Guddiga dib u heshiisiinta ay usoo gudbiyaan Xafiiska Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, laguna hirgeliyo muddo 60 maalmood ah doorashada ka dib.
  2. Amniga Doorashada (Election Security Protocol)
    • Golaha Wadatashiga Qaranka waxay goโ€™aamiyeen:
  3. In la dhiso guddi amni oo ka kooban 9 xubnood, masuulna ka ah amniga doorashada, uuna hogaaminayo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubnana ay ka yihiin Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo Taliyaha Booliska AMISOM.
  4. In Guddiga Amnigu Diyaariyo ciidamo u gaar ah illaalinta goobaha ay ka dhacayso doorashada, gaar ahaan goobaha lagu dooranayo kuraasta Somaliland, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  5. Goluha Wadatashiga Qaranku wuxuu farayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga labada heer in aysan ku milmin, faragelinna ku sameyn arrimaha siyaasadda iyo hirgelinta doorashada.
  6. In Guddiga amniga doorashadu ay warbixin joogta ah siiyaan Golaha Wadatashiga Qaranka si ay goโ€™aan uga gaaraan hadba xaaladda taagan ee arrimaha amniga doorashada.
  7. Hirgelinta qoondada haweenka
    • Goluhu wuxuu isku raacay, iyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2020 ee xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, in la illaaliyo qoondada haweenka ee labada Aqal.
  1. Jadwalka qabsoomidda Doorashada
    • Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo la xeerinayo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo asteeyey qabsoomidda Doorashada Federaalka ee 2020/2021, wuxuu goโ€™aamiyey:
  2. In Doorashada lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah sida ku caddayd soo jeedintii 16 feb ee Baydhabo.
  3. In Guddiga Maamulka Doorashada heer Federaal (FIEIT) ay soo saaraan jaangoynta jadwalka guud ee hirgalinta doorashada oo ku dhisan muddada ku xusan xarafka (a).
  4. In Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah (SIEIT) ay diyaariyaan jadwal u gaar ah qabashada doorashada Dowladda Xubinta ka ah si waafaqsan jadwalka Guddiga heer Federaal.
  5. Joogteynta wadashaqeynta Golaha Wadatashiga Qaranka.
  1. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa masuul ka ah fulinta heshiiskaan iyo ka shaqeynta amniga guud ee Dalka iyo kan doorashada.
  2. Goluhu wuxuu goโ€™aamiyey in ay yeesheen kulamo joogta ah oo lagu hubinayo fulinta iyo habsami u socodka hannaanka qabsoomidda doorashada, laguna xalinayo wixii caqabado ka dhasha hirgelinta doorashada.
  3. Qariiradda (Roadmap) dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya
  4. Goluhu wuxuu si qoto dheer uga wada hadlay, goโ€™aanna ka gaaray in la dejiyo qariiradda qorshayaasha mudnaanta leh ee dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyadoo la tixgeliyey in muddo labo sano gudahood ah lagu dhameystiro dhammaan qorshayaasha hortabinta leh.
  5. Goluhu wuxuu goโ€™aamiyey in ay si joogta ah uga wada shaqeyaan hirgelinta qariiradda dhameystirka dowlad dhiska Soomaaliya ee ku lifaaqan heshiiskaan.
  6. Mahadcelin
  7. Golaha wadatashiga Qaranku wuxuu Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celinayaa doorkiisa hogaamineed iyo fududeynta shirka.
  8. Goluhu wuxuu Saamileyda Siyaasadeed, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed uga mahad celinayaa doorkii ay ka qaateen gaarista heshiiskaan iyo xallinta khilaafaadkii ka dhashay arrimaha doorashooyinka.
  9. Goluhu wuxuu sidoo kale Beesha Caalamka uga mahad celinayaa taageerada ay la garab joogaan Dowladda Soomaaliya sidii xal looga gaari lahaa khilaafka arrimaha doorashooyinka.

===DHAMMAAD===

LIFAAQ โ€“ WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN

Qariiradda (Roadmap) Dhameystirkaย  Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya

ย Horudhac

Si loo dhameystiro dhismaha dowladnimada Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka Federaalka ah, loogana gudbo caqabadaha soo noq noqday ee khilaafka siyaasadeed, waa in Madaxda loo doorto hayโ€™adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay ka shaqeeyaan adkeynta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, ay si mideysan uga shaqeeyaan xasilinta iyo amniga Dalka si loo gaaro dal la jaanqaadi kara dunida inteeda kale.

Haddaba, si loo gaaro mabaadiida kor ku xusan, Goluhu wuxuu isku raacay hirgelinta qariiradda (Roadmap) qorshayaasha masiiriga ah ee mudnaanta u leh dowlad dhiska Soomaaliya, sida ku cad shaxda hoose:

No Qorshaha mudnaanta leh Faah faahin Muddada hirgelinta Masuuliyadda
1 Dhameystirka Dastuurka Federaalka ah In heshiis laga gaaro guddiga dib u eegista iyo geeddi socodka dhameystirka dib u eegista Dastuurka February 2022 Wadajir FGS/FMS
In la dhameystiro qodobada farsamo April 2022 Wadajir FGS/FMS
In heshiis laga gaaro qodobada siyaasiga ah ee lagu muransan yahay sida:

1.ย ย ย ย  Awoodaha iyo wadashaqeynta heerarka dowladda

2.ย ย ย ย  Qaybsiga khayraadka

3.ย ย ย ย  Nadaamka Cadaaladda

4.ย ย ย ย  Illaalinta Dastuurka

 

May 2022 Wadajir FGS/FMS
In heshiis siyaasi ah laga gaaro ku dhaqanka Dastuurka inta laga dhameystirayo qaddiyadda Somaliland June 2022 Wadajir FGS/FMS
2 Dhameystirka hannaanka dhismaha ciidanka iyo sugidda amniga Dalka

 

In heshiis wadajir ah laga gaaro qaabka loo dhisayo ciidamada Qaranka Soomaaliya, dib u eegisna lagu sameeyo heshiisyadii hore ee amniga February 2022 FGS – FMS
In dib loo qaabeeyo dhismaha ciidamada Qaranka, qalabeeyo, loona diyaariyo in ay la wareegaan masuuliyadda amniga Qaranka March 2022 FGS – FMS
Xoreynta deegaanada ay gacanta ku hayaan Argagixisada September 2022 FGS – FMS
3 Qaddiyadda Somaliland In DFS iyo DXDFS ay heshiis ka gaaraan hannaanka wada hadalka arrimaha Somaliland February 2022 Wadajir FGS/FMS
In lagu gudagalo wada hadalada Somaliland August 2022 Wadajir
4 Maqaamka Caasimadda Soomaaliya In Hayโ€™adaha Dowladda DFS iyo DXDFS ay heshiis mideysan ka gaaraan maqaamka Caasimadda February 2022 Wadajir FGS/FMS
5 Dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed In dib uhabayn lagu sameeyo Gudiga dib-uheshiisiinta Qaranka

 

February 2022 Wadajir FGS/FMS
Diyaarinta qorshaha dib u heshiisiinta Qaranka

 

May 2022 Wadajir FGS/FMS
Hirgelinta barnaamijka dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed December 2022 Wadajir FGS/FMS
6 Deeqaha iyo Deyn cafinta In laga heshiiyo qaybsiga deeqaha iyo tubta deyn cafinta May 2022 Wadajir FGS/FMS
7 Hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah In dib loo eego, heshiisna laga gaaro dhammaan shuruucda, Guddiga iyo siyaasadaha hirgelinta doorasho qof iyo cod ah May 2022 Wadajir FGS/FMS
    in la dhameystiro geeddi socodka qabsoomidda doorashada (Xisbiyada, tirakoobka dadka, xuduudeynta, dhaqaalaha iyo agabka doorashada) September 2023 Wadajir FGS/FMS
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Dubo…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay hindisayaasha iskaashiga Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa…

GudahaWararka
June 25, 2024

Jaamacadda Qaahira oo bilaabaysa barashada Af-Soomaaliga

Qaahira(SONNA):-Xarunta barashada luqadaha Afrika ee hoos tagta Jaamacadda Qaahira ayaa sheegtay inay billaabeyso koorso lagu baranaayo luqadaha ugu waaweyn uguna…

GudahaWararka
April 6, 2023

Isbahaysiga Sacuudiga horkacayo oo weerarro cirka ah ka fuliyay Yemen

SANCA-(SONNA)- Isbahaysiga milatari ee Sucuudiga iyo imaaraatka carabta ayaa xalay weerar cirka ah ku qaaday dhowr bar-tilmaameed oo ka tirsan…

CaalamkaGudahaWararka
September 13, 2020

Madaxweynaha JFS oo hoggaamiyeyaasha IGAD uga mahadceliyay doorkoodii qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneed Soomaaliya

Jabuuti-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 41-aad ee Madaxda dalalka IGAD ayaa uga mahadceliyey…

GudahaWararka
December 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023