Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgallo lagu naafeeyey Khawaarijta oo ka dhacday Shabeelooyinka
    March 31, 2026
    Dowladda oo ahmiyad gaar ah siinaysa sugnaanta cunnada
    March 31, 2026
    Guddoomiyaha Guddiga madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir caalami ah uga qayb galay Geneva
    March 31, 2026
    Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka oo Baydhabo gaaray
    March 31, 2026
    Xulka K/Cagta Qaranka oo caawa la ciyaaraya dhiggooda Mauritius
    March 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya
GudahaWararka

War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta koonfur Galbeed Soomaaliya

By Abdulkadir
Last updated: February 5, 2023
5 Min Read
Share

Baydhabo(SONNA):-Shirka wada-tashiga dib-u-heshiisiinta siyaasaddeed iyo kan bulsheed ee dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ku baaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe taariikhdu marka ahayd 19-kii bisha November 2022, si lamid sidaas oo kale uu soo dhaweeyeen Madaxweynaha DKGS 20 November 2022 iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha kala ah; Midowga Musharixiinta, Madasha samata bixinta iyo golaha Badbaadada KGS.

Ka dib, Guddomiyaha golaha Shacabka BFS ayaa soo magacaabay isaga oo la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, guddi farsamo oo ka kooban toddobo (7) xubnood oo ah guddiga farsamada ee arrimaha dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka Dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda marka aheyd 17 Janaayo 2023, shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha golaha Shacabka M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, Madaxweynaha DKGS M.ne Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagreen), iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta KGS iyo mas’uuliyiin kala duwan ee labada heer ee Federaalka, Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah.

GUDDOMIYAHA GUDDIGA DIBU-HESHIISIINTA

Markuu Arkay: Qoddobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qobdobka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG;

Markuu Arkay: Qoddobka 4aad ee War-murtiyeedka shirka dib-u-heshisiinta oo ka qabsoomay magaaladda Baydhabo 17, Diseember 2022 oo tilmaamayo in Guddoomiyaha golaha Shacabka uu soo magacaabo Guddiga Farsamadda;

Markuu Arkay: Qoddobka 3aad farqadda 5aad ee Dastuurka DKGS;

Markuu Arkay: Qoddobka 37aad farqadda 1aad Go’aanka golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay tahay hey’adda ugu sarreysa ee sharci dajinta Dowladda Koonfur Galbeed;

Markuu Dhageystay: Talo soo jeedinta odayaasha dhaqanka KGS oo ah marjica marka ay la soo gudboonaato xaalad Goleyaasha Dowladda si waafaqsan Qodobka 60aad Xarafka (C) ee Dastuurka KGS, xukuumada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta ku midoobay dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka.

Markuu Arkay: Dhamaan Nuquladda ay soo wada Gudbiyeen Golaha Wakiiladda nuqulka 1aad ee soo baxay 18ka Abriil 2020 iyo Nuqulka 2aad Tix: GW-DGKGS/XG-09/2020 kuna taariikhsan 20ka Abriil 2020 oo labaduba ku saabsan: wax kabadalka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya Qoddobka 50aad kaas oo lagu daray Farqada 3aad;

Marka uu Tixgaliyey Nuqulka go’aan ay soo gudbiyeen oo ay xukumadda DKGS Shirka Dib-u-heshisiinta, kuna taariikhsan 01st Febraayo 2023, iyo kan dalladaha ku midoobey; Midowga Musharixiinta iyo Madasha samata bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo isna ku taariikhsan 2 Febraayo 2023;

Markuu Arkay: Ismaandhaafka Siyaasaddeed ee ka jiro KGS uu caqabad ku yahay dhamaan horumarada laga sameyn lahaa la dagaalanka kooxda khawaarijta al- Shabaab iyo Horumarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya;

Waxaa uu gudoomay guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qoddobka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG, sidoo kalena isaga oo tixgalinaya Qoddobka 37aad Farqadda 1aad ee Dastuurka KG.

Qobkobka 1aad

Gudoomiyaha Golaha Shacabka marka uu xaqiijiyey arrimaha siyaasadeed iyo mida bulsheed ee dooda ka taagneyd, wadatashi dheer kadib waxaa la go’aamiyey:

In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qoddobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG.

In doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024.

Qoddobka 2aad

Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgallo lagu naafeeyey Khawaarijta oo ka dhacday Shabeelooyinka

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay…

March 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qarax ay ku dhinteen saraakiil ciidan iyo shacab oo ka dhacay Gaalkacyo

Muqdisho:(SONNA)-Qof naftii halige ah ayaa lagu soo waramayaa in uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise halkaasi oo…

Wararka
December 18, 2020

Israa’iil oo xoojisay weerarada waqooyiga, koonfurta iyo bartamaha Gaza

Taangiyada Israa'iil ayaa ku sii qulqulaya galbeedka Rafah ee koonfurta Gaza, iyagoo madaafiic ku garaacaya teendhooyinka ay degan yiiin dadka…

Caalamka
June 21, 2024

Saraakiisha Xooga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidanka deegaanka ee Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibrahim Bakaay ayaa kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidanka deegaanka…

Gudaha
January 31, 2025

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka oo saxiixay qaab dhismeedka rasmiga ah hay’adda 

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah…

GudahaWararka
June 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023