Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: WAR-MURTIYEED KU SAABSAN XIRIIRKA DFS  IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA  
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > WAR-MURTIYEED KU SAABSAN XIRIIRKA DFS  IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA  
GudahaSiyaasaddaWararka

WAR-MURTIYEED KU SAABSAN XIRIIRKA DFS  IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA  

By Kanaava Mohamed
Last updated: April 24, 2024
3 Min Read
Share

Warmurtiyeed ka soobaxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u qornaa sidan:- Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.

Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.

Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu.

Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay marxaladda dagaalka Khawaarijta

Dhuusamareeb (SONNA): Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa farriin u…

GudahaWararka
August 29, 2023

Soomaaliya oo Bilaabaysa Weerarkii 2-aad ee ka dhanka ah Al-Shabaab (WARBIXIN)

Kadib guulo muhiim ah oo laga gaaray Al-Shabaab dabayaaqadii sanadkii 2022-kii, Dowladda Soomaaliya waxay bilowday duulaankii ka dhanka ahaa kooxda…

GudahaMaqaallada
May 31, 2023

Qorshaha qaran ee Soomaaliya cagaaran oo dardar ku socda

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhir ku…

GudahaWararka
March 4, 2023

Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada oo lagu laayey Gobolka Shabeellaha Hoose.

Muqdisho:(SONNA)- Maleeshiyad ka tirsan kooxaha nabad diidka Al-shabaab Al-qaacida oo is dayay in weerar arbushaad ah ey ku soo qaadan…

Wararka
May 4, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023