Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: War-murtiyeed kasoo baxay kulan dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War-murtiyeed kasoo baxay kulan dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed
GudahaWararka

War-murtiyeed kasoo baxay kulan dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 27, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-War-murtiyeed dhinacyo badan taabanaya ayaa kasoo baxay kulan ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku yeesheen madaxtooyada Qaranka ee Muqdisho.

War-murtiyeedka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya Abiy Axmed Cali oo booqasho shaqo ku jooga Soomaaliya”.

Booqashadan ayaa daba socota kulamo xiriir ah oo socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa sidii loo caadiyayn lahaa xiriirkii laba geesoodka ahaa ee labada dal.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga wax tarka leh, iyagoo aqoonsaday xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya dadkooda iyo xudduudaha ay wadaagaan ee isku xira, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay dhisidda kalsoonida, iyada oo la xoojinayo iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo bulsho.

Itoobiya iyo Soomaaliya waa dalal dhex-dhexaad ah oo leh qaddiyad guud iyo aragti wadaag, kuna dhisan xasilloonida gobolka iyo barwaaqada.

Labada hoggaamiyaba waxay muujiyeen in ay ka go’an tahay hirgelinta mashaariicda kaabayaasha istiraatiijiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka dadka ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Hoggaamiyeyaashu waxay soo dhoweeyeen go’aanka wada hadalladii farsamo ee Ankara, sida lagu heshiiyay baaqa Ankara, iyagoo hoos u dhigaya sida ay uga go’an tahay wada-hadal iyo iskaashi wax dhisaya.

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen is afgaradkii dhexmaray ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo taliska ciidanka difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), iyagoo u aqoonsaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo xoojinta xasilloonida gobolka.

Labada dhinac ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay in ay ka wada shaqeeyaan dardar-gelinta danaha guud, kor u qaadidda nabad-gelyada iyo amniga, xiriir qoto dheerna u yeeshaan maslaxadda shacabkooda iyo tan gobolka geeska Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qorshaha qaran ee Soomaaliya cagaaran oo dardar ku socda

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhir ku…

GudahaWararka
March 4, 2023

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA.

Muqdisho(SONNA);- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan mira dhal…

GudahaWararka
April 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo faahfaahin ka bixiyey halka ay marayaan hawlgalada dalka looga xoraynayo Khawaarijta

Kismaanyo(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhowed Shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kismaanyo oo ah…

GudahaWararka
February 15, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha Danjirenimo ka guddoomay Safiirada dalalka Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia  

Muqdisho (SONNA) Wasiirka arrimaha dibadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta Nuqul ka mid ah waraaqaha Danjirenimo…

GudahaWararka
January 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023