Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waniinle ilaa Cowsweyne (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waniinle ilaa Cowsweyne (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waniinle ilaa Cowsweyne (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 17, 2024
6 Min Read
Share

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa shalay galab jab xooggan loogu geystay deeggaanno u dhaxeeya Waniinle ilaa iyo Cowsweyne, waxaana iska soo daba dhacaya hambalyada iyo bogaadinta loo jeedinayo Ciidaamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka ee ka qeybqaadatay howlgalkaasi barakeysanaa, kaasi oo looga dilay Khawaarijta isugu jirtay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad badan.

Durbadiiba Taliyaha Ciidanka XDS ayaa Isbitaalka ku booqday Askartii ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka, isla maalintaasina waxa uu gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud oo uu ka socdo howlgal ka dhan ah Khawaarijta.Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa shalay isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee dhawaan jilibka u aastay kooxaha arxan-laawayaasha ee isku dayay inay dhibaateeyaan Shacabka deegaanka Waniinle oo 10 KM u jira Magaalada Ceeldheer, islamarkaana waxay u dhaxeysaa Degmada Ceeldheer iyo Magaalada Masagawaa ee Gobalka Galgaduud.

Geesiyaasha Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca deegaannka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa dorraato cashar aysan hilmaami doonin u dhigay kooxaha Argagixisada ah, waxaana halkaasi looga dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyad badan, wuxuuna taliyuhu caafimaad qab buuxda u rajeeyay Askarta geesiyaasha ah ee awoodooda u muujiyay cadawga arxanka daran, isagoo dhaqaatiirta kula dardaarmay inay ciidanka ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, sidoo kale waxaa uu  alle uga baryay in Jannatul firdowsa uu ka waraabiyo geesiyaashii ku Shahiiday Howlgalkaasi.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Somaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa shalay galabta gaarey Aaggii lagu dagaalamay ee deegaanada Waniinle iyo Dhagaxyaale oo uu ka soconayo howlgal ballaaran oo Khawaarijta jab xoog leh lagu gaarsiiyay, wuxuuna Jeneraal Dayax taliyaha ciidanka dhulka  ayaa ciidamada iyo saraakiisha ku sugan deegaannadaasi lagu baacsanayo cadawga ee hoostaga Ceeldheer ku dhiiri-geliyay guulaha ay soo hooyeen iyo jabka baaxadda leh ee ay ku naafeeyeen khawaarijta isku aruursaneysay dhulka howdka ah, oo wali meydadkooda haaddu cuneyso.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiidaha hore ee lagula dagaallamayo khawaarijta ayaa Ciidanka xoogga ku ammaanay dhabar adeyga iyo ka mira dhalinta hadafka naf hurnimada leh ee lagu naafeeyay cadowga, wuxuuna ku bogaadiyay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka shaqada culus ee ay shalay ka qabteen kooxda canasirta ah ee khawaarijta ah, waxa uuna taliyuhu faray Saraakiisha iyo ciidanka in la xoojiyo shaqada qaran ee loo idmaday. Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga iyo madaalayaasha deegaanka, wuxuuna ciidanka  naf hurnimada sameeyay ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda iyo kartida ay muujiiyen oo ah dabar goynta argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed kasoo saartay howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay gobolka Galgaduud, kaas oo lagu laayay khawaarij ka badan 50 xubnood. Howlgalkan ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay Ciidanka Qaranka, geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo malleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka dambeeyay markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta ah’ in cadowga oo isku aruursanayay halkaasi’, waxaana la soo warinayaa in Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ay hadda ku sugan yihiin goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo weli lagu raad joogo Malleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya in ay naftooda la baxsadaan.

Haddba waa side xaalka Magaalada Ceeldheer? Wararka ka imaanaya Magaalada Ceeldheer ayaa sheegaya in Degmooyinka bariga Galgaduud dhamaantood  shalay ilaa Xlay  ay ahaayeeen ‘lacag la’aan Maqaayadahooda goobaha lagu shaaheeyo  waa free’, taasi oo ay ugu dabaaldagayaan guushii ay gaareen kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, islamarkaana la gaarsiiyay jabkii ugu weynaa ee loo geysto kooxdaasi qowleystada ah, waxaana maalintaasi looga dilay  57 ka tirsan Maafiyada markii shalay deegaannada u dhaxeeya Waniinle iyo Cowsweyne dhegta dhiigga loogu daray. ‘GUUL IYO GOBONIMO’ ayaan u rajeyneynaa intii ka qeybqaadatay howlgalkaai barakeysnaa.

“Waa ka xumay in Dad Mas’uuliyiin ah ay macaash siyaasadeed ka raadiyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso Khawaarijta ay nooleeyaan, balseay la yimaadaan aragtiyo ay wax ku dhisi karaan, iyagoo cabsi ka qaba guulaha is daba jooga ah ee ay dowladdu gaareyso inay cudur daar ka dhigtaan Shabaab ayaa nool oo aan ognahay waxa lagu sameeyay khawaarjita ay arkayaan shacabka Soomaaliyeed, waxa ay dowladdu sameyneyso, dabcan waa dabci xun iyodhaqan siyaasadeed xun oo liita, waxaana laga filan karay inuu aragti dowladnimada dhiseysa oo wax u kordhineysa la yimaado, laakiin uu jeclaan lahaa guulaha Khawaarijta, si uu Idaacad u soo koro oo uu sheego waxyaaba qaldan”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

Taa waxaa daliil u ah Qolyahaasi marna ma soo hadal qaadin guushii weyneyd ee gaareen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo shalay dagaal faraha la isaga gubtay ka dhacay deegaannada u dhaxeeya Waniinle ilaa Cowsweyne,guushii, balse haddii ay wax yar oo guul ah ay helaan Khawaarijta aad bay u buun-buunin lahaayeen, ‘dowladdu waxay ku fashilantay dagaalka’, ayay dhihi lahaayeen, waa sida caadadood ah.

By. C/lahi Ruush

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis lagu sameyn doonno

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis iyo…

GudahaWararka
July 27, 2024

Shiinaha oo Booliska Soomaaliyeed ku taageeray qalab loo adeegsado baarista

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin oo uu wehliyo Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada G/dhexe, Muxudiin Axmed…

GudahaWararka
July 30, 2024

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Dooxa(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya…

GudahaWararka
December 7, 2025

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐛𝐚𝐱𝐚 𝐜𝐢𝐫𝐢𝐛𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐫𝐢𝐣𝐭𝐚.

Muqdisho SONNA:-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Aden oo hogaaminaya Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka…

GudahaWararka
August 5, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023