Muqdisho-(SONNA)-Wajiaga labaad ee shirka wadatashiga ka qeyb-qaadashada isbeddelka cimillada ee heer Qaran ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay guddiga isbeddelka cimilada Xafiiska Raโisulwasaaraha Dalka ayaa waxaa ka qeyb-galaya wasaaraddaha bayโadda ee Dowlad Goboleedyada Dalka qaar ka mid ah iyo hayโaddaha Dowladda dhexe isagoo socon doono muddo labo maalmood ah.
Sida qorshahu yahay waxaa la uruurinayaa ย dhammaan xogaha isbedelka cimilada ee heer qaran si loo horgeeyo sanadkaan dhamaadkiisa hayโadda qaramada midoobay u qabilsan isbedelka cimilada ee dunida Soomaaliyane ay ka tirsan sida uu sheegay agaasimaha guud ee agaasinka isbedelka cilimadda Xafiiska Raโisulwasaaraha dalka Mudane, Axmed Yuusuf Axmed.
Sidoo kale waxyaabahaย lagu gorfeynayo waxaa ka mid abaarahaย iyo fataahaddaha soo laabatay ,ka faa’iideysiga Xoolaha, beeraha, biyaha wax soo saarka shidaalka, wasaqowga hada ย iyo guud ahaan ย Cimilada dalka waxaana xubaha matalayay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay soo dhaweeyay muhiimada shirkaan uu leeyahay.
Wajiga kuwaad shirkaan isbedelka cimilada waxa uu ka dhacay bilaawga sanadkaan magaalada Garoowe ee xarunta Punland hase ahaatee xafiiska isbedelka cimilada waxa uu sheegay in illaa iyo sedex shirkale laga qaban doonaan dhammaan waxyaabaha kasoo baxo la geyndoono shirka guud ee Qm ee la filayo inuu dhaco bisha 12 Decembar ee 2020.