Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliye Odawaa oo kormeeray deegaano ka tirsan Shabeelaha hoose oo Khawaarijta laga saaray
    August 13, 2025
    Shirweynaha IGAD ee dhalinyarada oo ka  furmay Nairobi
    August 13, 2025
    Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo shir uga qaybgalaya Koofur Afrika
    August 13, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Wado laga hirgelinayo waaxda Saqaawadiin ee Degmada Shibis
    August 13, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    August 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    ‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wajiga 2-aad ee la dagaalanka Khawaarijta oo ka bilowday Jiinka Webiga Shabeelle (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wajiga 2-aad ee la dagaalanka Khawaarijta oo ka bilowday Jiinka Webiga Shabeelle (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Wajiga 2-aad ee la dagaalanka Khawaarijta oo ka bilowday Jiinka Webiga Shabeelle (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 8, 2023
11 Min Read
Share

Bacdamaa uu so Af jarmayo Wajigii 1-aad ee Dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda sii liiceysa oo gabalkoodu dhacayo ayaa hadda waxaa socda Dagaalka Wajigiisa 2-aad, kaasi oo ku wajahan dhameystirka goobo yar ee ay kaga harsan yihiin Gobolka Galguduud iyo Mudug, iyadoo horey looga sifeeyay Dhammaanba Maamulka Hirshabeelle, islamarkaana u bilaabatay gaarsiinta adeegyadii lagamamaarmaanka u ah nolosha Dadweynaha ku dhaqan Deegaannaddii la xoreeyay, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa Degmada Aaden Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe oo dhawaan la gaarsiiyay Kaalmo gargaar cunto, Dawo, lana howgaliyay Isbitaalkii Degmadaasi iyo in loo xiray Nalalka Soolarka hadda Magaaladaaasi habeenkii waxaa ka baxaya Iftiin Leyrar ah, taasi oo aysan hore u arag.

Waxaa kaloo jira howl-gal lagu xaqiijinayo amniga deegaannadii horay looga saaray Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa ka socda Gobolka Hiiraan, waxaana hoggaaminaya Guddoomiyaha Gobolka Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka, waxaana dhowaan la qorsheynayaa in uu bilowdo wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxdaasi, waxaana meelaha ugu horreeya ee la filayo in uu ka dhaco ka mid ah galbeedka Gobolka Hiiraan, iyadoo uu Guddoomiye Jeyte oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in ay ku jireen diyaar garowgii ugu dembeeyay ee dagaalka.

Haddaan ka hadalno Dagaaladdii ugu dambeeyay ee lala galo Kooxda Khawaarijta ah ayaa waxaa ka mid ah Degmada Galcad iyo Deegaannada ku dhow dhow waxayna Ciidanka xoogga dalka ay shalay Khawaarijta ka xoreeyeen Magaalada Galcad ee  gobalka Galgaduud, waxayna Ciidamada dhowr jiho ka galay magaalada, waxaana lagu sameeyay baaritaano lagu xaqiijinayo Amniga, waxaana Ciidanku qarxiyeen Miino ay ku dhex qariyeen Guri ku yaalla Magaalada, wax khasaare ahna kama soo gaaroin cidna, sida Wariyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo ciidanka la soda ay soo sheeayaan in Khawaarijtu iskaga carartay Galcad oo muddooyinkii u dambeeyay ay isku aruursanayeen, waana magaalo muhiimad u leh isku socodka Deeganada ka tirsan Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Galguduud, iyadoo masuuliyiintii ka hadlay arrintaasi waxaa lka mid ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage wuxuuna Warbaahinta Qaranka u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay wixii markaan ka dambeeyana loo gudbi doono deegaanada kale ee ay uga harsan yihiin dalka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka degmada Galcad, waxaana ay ka wada hadleen sidoo looga wada shaqeyn lahaa adkeynta Ammaanka & Ciribtirka Argagixisada waxaana loo caddeeyay in Dowladdu aysan marna ka bixi dooninin Deegaanada la xoreeyo, ayna ku kalsoonaadaan Dowladdooda, si loo soo gaarsiiyo Adeegyada ay Dadweynuhu u baahan yihiin, waxaa kaloo ka hadlay arrimahaasi Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid wuxuuna soo dhaweeyay guulaha Ciidamada Xoogga dalku ka gareen howlgalka wajiga labaad ee ka socda qeybo ka mid ah Galmudug.

“Gudaha Galcad iyo hareeraheeda ayay Mujaahidiinta Xoogga Dalku ka wadaan hawlgal weyn oo lagu raad-goobayo Khawaarijta, dhul ka badan 100KM oo ka tirsan bariga Galguduud iyo xadka Shabeelaha dhexe ayaa laga soo nadiifiyay”- sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiramaan Yuusuf Cadaala.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo khawaarijta looga sifaynayo ka sameeyay deegaanada Ceel Heele, Ceel Dhiig saar iyo kalabayr oo dhammaantood hoostaga Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud, taasina waxay daba socotaa hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu dhawaan ku dhawaaqay bilaabashada wajiga labaad ee howlgalka Khawaarijta looga xoreynayo Gobolada Dalka waxana howlgalkaas uu ku socda si xowli ah, iyaado ilaa iyo hadda la xoreeyay Deegano badan oo ka kala tirsan Galmudug iyo Hirshabelle, Wasiira Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlaayay Dagaalka Wajiga 2-aad ayaa isna sidan yiri:- ” Hawlgalkan waxa uu kuwii hore uga duwan yahay waxa uu ku bilowday, kuna dhammaanayaa qorshe dhammaystiran”

Farriimo badan ayaa loo diray Dhallinyarada lagu dhameynayo Dagaalada ay u isticmaalaan Kooxda Khawaarijta ah, waxaana tii ugu dambeysay u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan kooxda Khawaarijta Al-shabaab in ay ka soo noqdaan fikirka guracan ee kooxda, islamarkaana isku soo dhiibaan Dowladdooda, iuasgoo xusay in dhallinyarada la marin habaabiyay ee qoriga loogu dhiibay si ay u daadiyaan dhiigga walaalahooda Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in aysan ka daba lumin kuwa ogaaday in ay ka imaan karin ama ku qancay fikirkaas qaldan.

“ Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-shabaab,waxaan leeyahay iyagana walaalayaal ka soo noqda, dalkan dal aan ahayn ma lihidiin, dadkan dad aan ahayna ma lihidiin, Diintan Diin aan ahayna meel idim ma taalo, dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ee boqolkiiba boqol muslimka ahaa waa kuwaa taagan, Masaajida camiray dhulka jooga u soo noqo, meelaad  ka aadi kartid malahan,” ayuu yiri madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Haku lumin rafaadka aad ku jirtaan ma mudnid inaad ku jirtid. Sabab aad godka dhexdiisa ugu jirto aad banaanka uga soo bixiweydo oo godka ugu saxarooto oo meeshaada ku jirto maalmo dhan oo godka lagugu imaan, sabab aad ugu sii jirto malahan, ka imow adiga fursad ayaa leedahay, kuwo aan fursad lahayn oo ka imaan karin ama ogaaday ku qancay in ay ka imaan karin haku deysan haku daba lumin, ka imow waa dalkaagii, waa dadkaagii, waa dowladdaadii,  iyagana baaqaas ayaa u dirayaa waana u furan tahay, ciqaab iyo bahdil loolama diyaar ah waa la soo dhoweynayaa, waana kuwaa maanta ciidamada amniga ayay ku jiraan, xukuumaddii ayay ku jiraan, maxaa ku dhahaa baladka ayay ku ganacsadaan, waa joogaan kuwii ka soo noqday, la midaa tahay ka imow iyagana intaasaa oran lahaa aad iyo aadaa u mahadsan tihiin,”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa hadaladaasi ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sidoo kale, ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta, waxaa kaloo jira in Ciidamo laga keenay Dalka Yugaandha uu shalay galab kula hadlay Xerada Hiilweyne oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, waxaana noo sharaxaya Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac waxa ay Ciidamaasi yihii iyo waxa ay qaban doonaan “Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed guulaha isdaba jooga ah ee ay ka gaarayaan Furimaha dagaalka waxaa u dheer, in ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga Caasimadda Muqdisho laga bilaabo maanta. Ciidamadaan oo qeyb ka ah CXDS  gaar ahaan kuwooda u tababaran Sida Booliiska ee loo yaqaano “Militairy police” ayaa waxay la shaqeyn doonaan Booliiska Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo amniga muwaadiniinta ku nool caasimadda..

Dhinaca kale waxaa jira marka ay kooxdu dareento ama la saaro awood Ciidan iyo mud dhaqaale waxaa soo if baxa in ay dhexdooda iska shakiyaan, faraha isku tag taagaan, kadibna uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maro, waxaana tusaale nooga filan Warar aan ka helnay Dadka Deegaanka Cows weyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud ayaa tibaaxaya in Kooxda Al shabaab ay Deegaanka Bido Ciise iskaga dilay 10 dagaalame halka Cosweyne oo habeen hore lagu xiray Odayaal ka tirsanaa Kooxda Khaaarijta ee Al-shabaab ah, kana soo jeeda Deegaanka Ceeldheer, islamarkaana  caan ka ahaa, waxaa kaloo jira in dhawaan ay isku fara saareen Degmada Jilib Hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah, waxayna iska dileen Maleeshiyaad badan, haddaba maxaa xiligaan Keenay Khilaafka gacan ka hadalka gaaray ee Kooxda Argagixisada Shababka Dhexdeeda?

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Horgalada Muhaajiriinta Kooxda Shababka iyo Horjooge ka tirsan Kooxdaan, kadib markii la weeraray Guri uu ku sugnaa Horgalka ugu sareeya Ajaaniibta, kaasoo ku yaal magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada, Ilo Wareedkaan ayaa sheegay in Maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Horjooge Mahad Qaley (Karatee), ayaa weeraray guri uu ku sugnaa Horgale Jaabiir oo ku yaala Suuqa Kaluunka ee Degmada Jilib, Horgalkaan ayaa ka soo jeeda Dalka Kenya, iyadoo is-rasaaseyntaani ay ku dhinteen 5-ka mid ah Maleeshiyaadka Shababka waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray 8-kale oo uu ku jiro Horgale Jaabiir, arrintani ayaa waxaa sharaxaya Falanqeeye Degan Dalka Finland oo lagu magacaabo Ciise Xasan.

Falanqeeye Ciise Xasan waxa uu yiri “Xiisadaan ayaa la sheegay inay ka bilaabatay kadib markii Unug ka tirsan kuwa Ajaaniibta ay ka soo qafaaleen degaanka Kamsuuma Horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo ku beel ah Mahad Qaley isla markaasna madax ka ahaa Isbaarada Buundada waxaana la sheegay inuu socdo dadaalo xiisadaan lagu qaboojinaayo. Khilaafkasn ayaa ku soo beegmay xilli inta degaanada Hirshabelle iyo Galmudug laga xoreeyay inta dhimana lagu wado dhawaan in la bilaabo doono xoreynta wajiga 2-aad ee degaanada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda Federaalka”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliye Odawaa oo kormeeray deegaano ka tirsan Shabeelaha hoose oo Khawaarijta laga saaray

Muqdisho (SONNA): Sareeyo Gaas Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta Kormeeray…

August 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaaraha XFS oo dhagax dhigay xarunta gurmadka gargaarka deg degga ah

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina, oo…

GudahaWararka
June 11, 2023

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay muwaadiniin ku xirnaa dalka Liibiya

Muqdisho-(SONNA) Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo gacan ka heleeyso hay,ada socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa maanta dalka dib ugu soo…

GudahaWararka
March 24, 2025

Wasiir Alcadaala oo soo xiray wadatashiga Istiraatijiyadda Qaran ee warbaahinta

Muqdisho (SONNA): Kusimaha wasiirka ahna wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa maanta oo…

GudahaWararka
May 24, 2023

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Agaasimaha Guddiga ee ka Teegarida Soomaliya dhanka Amniga

SONNA (MUQDISHO)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud…

GudahaWararka
February 6, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023