Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Qorsheynta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Boostada iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya Eng.Cabdi Cabshuur Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gar gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirishiid Maxamuud Xasan oo howlo shaqo u tegay Beladweyne ayaa markii ay soo gaba gabeyeen kormerka gobaha wabiga uu ka fataho waxa ay salaan ugu tageen Ugaas Xasan Ugaas khaliif .
Wafdiga Wasiirada iyo Ugaaska ayaa ka wada hadlay sidii dowladdu ay wax uga qaban lahayd fatahaadda webiga oo cabsi xoogan laga qabo.
Ugaaska ayaa uga mahadceliyay wafdiga iyo dowladda federaalka Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan sidii bulshada magaalada Beladweyne looga xiri lahaa fatahaadda webiga shabeelle.
Wafdiga ayaa balan qaaday inay jiraan qorshe balaaran oo laga yeelan doona arrinta webiga shabeelle, si bulshada aysan markale uga barakicin fatahaad ka dhalata webiga.