Muqdisho(SONNA);-Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Howlah Guud XFS Mohamed Cali Maxamuud,oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG dowlad gobleedka koonfur Galbeed.
Waxaana Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey xubnno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ,Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha iyo Masโuuliyiin kale.
Ujeedada Baydhabo ay u gareen ayaa ah ka qeybgalka Shir weynaha Qorshaha Horumarinta Kaabiyaasha dhaqalaha Dalka iyo xoojinta wada shaqeyntaย Wasaaradaha howlaha guud heer Fedaraal iyo heer Dowlad goboleed Kaasi oo beri ka furmi doono Magaalada Baydhabo.