Diridhaba(SONNA):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, Cabdiwahaab Cumar Caananuug ayaa magaalada Diridhabe ee Dowlad Deegaanka Soomaalida uga qeyb galay munaasabad loogu dabaal-degayo aqoonsiga Xeerka Soomaaliyeed ee xeer Ciise oo ay dhawaan aqoonsatay Hayโadda UNESCO
Munaasabaddan oo halku-dhig looga dhigay “Xeer Ciise waxa uu gundhig u yahay sinnaanta, caddaaladda iyo midnimada”, ayaa waxaa kasoo qayb galay boqolaal qof, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka kala socotay wadamada Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu maamuusayay xeerkan ayaa uga mahadceliyay hayโadaha iyo dadkii ka shaqeeyay in xeerka la aqoonsado, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta dhaqamada soo jireenka ah.
Hayโadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka, Waxbarashada iyo Cilmiga ee UNESCO ayaa dhowaan xeerkan aqoonsatay, iyadoona lagu daray dhaqamada dunida ka jira ee lama taabtaanka ah, waxaana si gaar ah xeerkani u wadaagaya bulshada Ciise ee degta dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jibuuti.
Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay soo dhoweynta munaasabadaan Xeer Ciise.