Geneva (SONNA): Xoghayaha golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Jaabiri iyo xoghaye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdullaahi Xaaji Geed, ayaa ka qayb galay kulanka ururka Xoghayayaasha Baarlamaannada Jaamacadda Carabta oo maanta ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Kulanka xoghayayaasha ayaa looga hadlay waqtiyaynta doorashda Guddoomiyaha ururka Xoghayayaasha guud ee Baarlamaannada Jaamacadda Carabta, xisaab xirka miisaaniyadda 2023-ka iyo meel marinta miisaaniyadda 2025-ka ee ururka Xogayaasha Guud Ee Baarlamaannada Carabta.