Muqdisho (SONNA)Waddada xariirisa deganka Ceel Jaale iyo magalada Beledweyn ee xarungta Gobolka Hiiraan ayaa maanta furantay kaddib muddo saddex isbuuc ah oo ay fatahaadda Webiga Shabeele uu xiray waddada.
Sida uu ku soo waramayo wariyaha Warbaahinta Qaraka ee Gobolka Hiiraan Cabdishakuur Cismaan Cali waxaa bilowdow in gadidka yar yar iyo kuwa waa weyn in ay isticmalaan waddada isku xirta Deegaanka Ceel Jaale iyo magaalada Beladweyne, halkaasi oo ay ku nool yihiin qoysaskii ka barakacay fatahaadda webiga Shabeelle.
Tan iyo markii uu webiga Shabeelle ku fatahaday xaafadaha magaalada Beladweyne ayaa waxaa bilaabatay in qoysas badan ay magaalada ka barakacaan guryahooda, iyagoo maciin baday inay degaan deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada Beladweyne.