Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wadamada Carabta qaarkood oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda iyo midowga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wadamada Carabta qaarkood oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda iyo midowga
GudahaWararka

Wadamada Carabta qaarkood oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda iyo midowga

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 1, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Waxaa iska soo daba dhacaya hambalyada ku aaddan xuska munaasabadda 1-da luulyo oo ku beegan sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ee dalku ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga sidoo kalena ay la midoobeen gobollada Waqooyi.
Halkaan waxaan idinkula wadaageyna qaar ka mid ah hambalyadii ka timid dowladaha Carabta

Qatar

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa hambalyo ku aadan sanadguurada xorriyadda dalka usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo.

Bahrain

Dhambaal kasoo baxay Boqortooyada Bahrain ayaa lagu sheegy in Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa uu la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfreed iyo midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.
Boqorka ayaa u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo xasillooni.

Cummaan

Suldaanka Cummaan, Suldaan Haitham bin Tariq ayaa ka mid ah madaxda Carbeed ee maalmaha xoriyadda la qaybsanaya madaxda iyo shacabka Somaaliyeed.

Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed iyo labadiisa kuxigeen ee Maxamed bin Raashid iyo Sheekh Mansuur bin Zayed ayaa ugu hambalyeeyay umadda Soomaaliya munaasabadda kowada Luulyo iyo sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay dowlad madax bannaan.

Yemen

Madaxa Golaha Sare ee dalka Yemen Rashaad Maxamed Calami ayaa sidoo kale ka mid ah madaxda carbeed ee madaxweynaha Soomaaliya lasoo wadaagay hambalyada munaasabadda qaran ee kowada Luulyo.
Bayaan kasoo baxay dowladda Yemen oo lagu faafiyay wakaaladda Waraka dalkaas ayaa lagu yiri; “ Madaxa Golaha Sare isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xubnaha Golaha, Xukuumadda iyo Shacbiga Yemen, waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u rajeynaya shacabka Soomaaliya amni, xasilooni iyo barwaaqo”.

Kuwait

Amiirka dalka Kuwait, Sheekh Mishcal Al-Axmed ayaa sidoo kale usoo diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin hambalyo ah, oo ku aaddan munaasabadda kowada Luulyo.

Sacuudi Carabiya

War-saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan ay dhambaal hambalyo ah usoo direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed
Dhambaalka ayaa lagu muujiiyay in Hoggaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda iyo dabaal degga maalinta kowda Luulyo oo ku beegan markii ay gobollada Koonfureed xoroobeen lana midoobeen goballada Waqooyi.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka wadatashiga abuurista xarunta macluumaadka ee arrimaha dhab-u-heshiinta oo ka furmay Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa mannta magaalada muqdusho ka daah furtay kulan wadatashi oo ku…

Wararka
October 21, 2020

Madaxweynaha Puntland oo Cafis u fidiyay Maxaabiis

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo…

GudahaWararka
April 19, 2021

Wasiir Ayuub Ismaaciil: “ Israa’iil waxay u rogaysaa marinnadii ganacsi, goobo ay colaaddo ka jiraan, waana diidnay taas.”

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil; “ Israa’iil waxay u rogaysaa marinnadii ganacsi, goobo ay colaaddo ka jiraan, waana…

GudahaWararka
January 28, 2026

30 Ruux oo ku dhintay, Nus Malyanna waa ku barakacday Daadadka (WARBIXIN)

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys…

GudahaMaqaallada
November 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023