Muqdisho (SONNA): Waxaa jirta cabsi ku aadan in asbuucan dabayaaqadiisa ay fatahaado sameeyaan wabiyada Jubba iyo Shabeelle, waxaana muuqata calaamado arrintaasi muujinaya oo ay ka mid yihiin heerka biyaha wabiga oo sare u kacay iyo roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay dhulka sare ee Ethiopia.
Warbixin ay soo saareen hay’adda macluumaadka dhulka iyo biyaha Soomaaliyeed iyo hay’adda FAO ayaa lagu sheegay in 2 ilaa 3-da maalmood ee soo socda uu wabiga Shabeelle ku fatihi karo Baladweyne iyo deegaanada kale ee uu maro.
Dadka deggan meelaha u nugul in biyaha wabigu soo gaaraan ayaa looga digay inay sii daganaadaan aagaas, waxaana loogu baaqay inay taxadar wayn muujiyaan.