Muqdisho(SONNA);-Khawaarijta Al Shabaab waxay kala Goโdoomiyeen Walidiinta Soomaaliyeed iyo Caruurta ay dhaleen kuwaas oo maskaxda ay ka xadeen una adeegsadaan arbushaada ay ka wadaan dalka.
Dhalinyarada ay qaldeen khawaarijta markii ay ku daraan maleeshiyaadkooda waxay ka qaadan xoriyadii ay haysteen iyaga oo ka mamnuuca inay la xariiraan dadkooda oo ay ugu horeeyaan waalidiintooda,waxaa gacmahooda laga bixiyaa telefanada ay adeegsan jireen si loo waayo nolol iyo geeri Meesha ay ku dambeeyaan.
Dhalinyarada ay marin habaabiyeen khawaarijta ayaa moodaa in mudooyinkii dembe ay aad u fahmayeen dhagartooda taas oo ku dhalinsay inay dib uga soo laabtaan wadadii qaldeen, waxay bilaabeen inay isku soo dhiibaan ciidanka qalabka sida ee soomaaliya.
Warbaahinta Qaranka ayay la hadleeyn qaar kamid ah dhalinyarada ay qaldeen khawaarijta kuwaa oo ay kula kacay dhibatooyin kala duwanย ay kamid tahay in ay ka qaadeen taleefanadooda si ay ukala ilaaliyaan dhalinyardaa iyo waalidiintod,si fikirkooda qaldan ugu marin habaabiyaa taa oo sababtay ugu dambeyntii dhalinyaro fara badan ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda,kuwaa oo helay nolol dhaanta tii guracneyd ay khawaarijtu ku heeysay.
Gaashaanle C/raxmaan Nuur Sahal oo kamid ah sarakiisha ciidanka xoogga ee gobolka Mudug ayaa sheegay in iyaga oo fulinayo baaqa Madaxweynaha JFS ee ah in la soo dhoweeyo dhalinyarada la qalday khawaarijta soo dhoweyeen dhalinyara dhowr ah oo ka soo goostay Argagixisada,si wanaagsana loola dhaqmay.
Ciidamadda xooga dalka iyo kuwa degaanka ayaa jab xooggan ku gaarsiiyay degaanno iyo tulooyin dhowr khawaarijta oo ay kala waregeen,waxan taasi ay ku timid kadib markii dagaal saddex dhinac ah dowladda iyo dadka dedaanka oo is garabsanayo ay ku qadeen khawaarijta si loo wiiqo kabayaasha dhaqaale ee ay khawaarijta sida xooga ah uga qaadan jirtay ganacsatada Soomaaliyรจed,dibn ay ugu xasuuqi jireen shacabka soomaaliyeed
waxaan xiligaa kadib billaawaday in dhalinyara badan oo ay qaldeen khawaarijta isaga soo baxay dhankooda kuna soo biiraan dowladda si loo bad-baadiyo noloshooda