Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Waa maxay doorka xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa maxay doorka xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ?
GudahaWararka

Waa maxay doorka xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ?

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 16, 2025
3 Min Read
Share

Faallo: Markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) dhammaadkii sanadkii 2023-kii, waxay heshay xuquuq ay kaga mid noqoto hay’adaha kala duwan ee ururka, oo uu ka mid yahay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA).

Tallaabooyinkii u dambeeyay ee doorashada xildhibaanada EALA ee Soomaaliya ee la doortay

Magacaabista Guddiga Soo Xulista: Bishan Oktoobar 2025, guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe” (Golaha Shacabka) iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi (Aqalka Sare), waxay magacaabeen guddi wada-jir ah oo shan xubnood ah oo loogu talagalay maamulista soo xulista xildhibaannada EALA.

Shaqada Guddiga: Guddiga ayaa loo xil saaray inuu soo xusho oo uu baaro shakhsiyaadka u qalma, ka dibna uu liiska kama dambaysta ah u gudbiyo Baarlamaanka Federaalka si loo ansixiyo.

Doorashada: Habka doorashada ayaa ka dhacday gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Muqdisho, Xubnaha EALA waxaa si dadban u soo doorta Baarlamaannada waddamada xubnaha ka ah.

Shuruudaha xulista xildhibaanada EALA
Sida uu dhigayo heshiiska EAC (Qodobka 50), xubnaha EALA waa in ay:

U matalaan xisbiyada siyaasadeed, aragtiyaha, jinsiyada iyo kooxaha gaarka ah ee ka jira dalkooda.

Noqdaan muwaadiniin ka tirsan waddanka ay ka soo jeedaan, ayna buuxiyaan shuruudaha loo baahan yahay ee doorashada baarlamaanka dalkooda.

Aysan ahayn wasiirro ama saraakiil ka tirsan EAC.

Waa maxay doorka ay yeelan doonaan xildhibaanada Soomaaliya?

Wakiilka Soomaaliya: Waxay u matali doonaan danaha iyo mudnaanta Soomaaliya gudaha EAC, iyagoo hubinaya in codka iyo aragtiyaha Soomaaliya la tixgeliyo marka la dejinayo siyaasadaha iyo sharciyada gobolka.

Kor u qaadida isdhexgalka: Waxay ka shaqayn doonaan fududeynta ganacsiga, dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha iyo xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka.

Hirgelinta heshiisyada: Waxay kormeeri doonaan hirgelinta heshiisyada iyo go’aamada la xiriira EAC, iyagoo ilaalinaya in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato xubinnimadeeda.

Iskaashi nabadeed: Waxay gacan ka geysan doonaan wada shaqeynta arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Matalaadda muwaaddiniinta: Waxay dhageysan doonaan oo u hadli doonaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed, iyagoo soo bandhigaya baahiyaha gaarka ah ee ka jira gudaha dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira ganacsiga iyo horumarka.

Waxa Qoray Mohamed Abdi Osman Faradheere

Agasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Muqdisho(SONNA);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta…

GudahaWararka
May 5, 2024

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay degmada Awdheegle

Muqdisho-(SONNA)-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa maanta gaadiid sida shixnado gargaar ah waxa ay u dirtay degmada Awdheegle ee…

GudahaWararka
September 24, 2024

Madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka wada hadlay xoojinta ammaanka+Sawirro

Gaalkacyo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay masuuliyiin ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug oo…

GudahaWararka
September 9, 2021

War-saxaafadeed: Ciidanka Qaranka oo hawlgal lagu jabjyey Khawaarijta ka fuliyey Hirshabeelle

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Dadka Deegaanka ayaa maanta si wayn cadowga Khawaarijta ah ugu jabiyay isku dayo la…

GudahaWararka
February 25, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023