Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waa Maalintii la baran lahaa Wadaniga dhabta ah (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa Maalintii la baran lahaa Wadaniga dhabta ah (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waa Maalintii la baran lahaa Wadaniga dhabta ah (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 29, 2023
6 Min Read
Share

Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Dhuusamareeb lagu soo gagabeeyay Shirkii 7-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo uga socda Madaxda Maamul-goboleedyada, Goboklka Banaadir iyo dowladda Dhexe, waxaana gabagabadiisa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii Khawaarijta, inta dhimanna la dhameeystiri doonno, waxa uuna ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyay guulaha ay soo hooyeen Dagaalka, isagoona sheegay in la gaaray xiligii lays abaal marin lahaa qof walbana la qiri lahaa kaalinta uu ku lahaa xoreynta dalka

“Al-Shabaab Waa xaaqin Shacabkuna waa dhulkii,  Xaaqinka ayaana dhammaanaya “, sidaasi waxaa yiri, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa farriin u diray dhallinyarada iyo odayaasha ay qaldeen khawaarijta, isagoo u sheegay in ay ka soo baxaan, dowladana ay cafis u fidineyso cid walba oo fikirka qaldan ee khawaarijta ka soo baxaysa.

Mar uu soo hadal qaaday doorka Ganacsatada eek a maqan ka qeybqaadashada dagaalka lagula jiro Khawaarijta ayuu Madaxweynuhu sheegay in Ganacsatada wali ay maqan tahay kaalintoodii, isagoona ugu baaqay in ay ka qeyb-qataan howlgallada guud ahaan dalka looga xoreynayo khawaarijta, wuxuuna Madaxweynuhu intaasi raaciyay in inta qof ka mid ah khawaarijta uu ku sugan yahay degannada ay wali gacanta ku hayaan uu howlgalku sii socon doonno.

“Waxaa jira shaqsiyaad iyo kooxo ku daaban oo si toos ah iyo si dadbanba u taageeraya kooxda Argagexisada ah ee Al-Shabaab. Dawladahaasi waa kuwo ka macaasha in ay dunida dalaal uga yihiin galaan galka Argagexisada, halk kooxaha ku daabani ay u arkaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hollinayo libin ay ku dhaceeda yeelan waayeen.

Waxayse ogayn in cadawgan uu yahay kii kun Soomaali maydkooda maalin Zoobe waray, kuwii hal doorkeena sheekh, Macallin, Dhakhtar, Sarkaal, Injineer, Ganacsade, Siyaasi, Saxafi, Hobol, iyo Safiir naga ugaarsanayey, kuwii Soomaali gumeeyey ee asaageed u loogay”, sidaasi waxaa yiri Xil.Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka oo Bartiisa Bulshada ku qoray qoraal uu kaga hadlaayo waxyaabaha ka socda Dalka ee ku aadan Jihaadka lagula jiro Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ayaa qoraalkiisa ku sii daray, “Waa nacas kii aan garan in argagexisada AS ay halis ku yihiin jiritaankeena ummadeed, waxaase ka sii liita ruuxii isagoo og dhibco siyaasadeed ka dhex raadiya”.

Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu qoraalkiisa aad ugu taageeray doorka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ka qaatay ciribtirka Khawaarijta ah, “Waxaan garab taaganahay Madaxweynaha iyo inta hoggaanka dagaalka ku hawlan, waxaan boggaadinayaa ciidanka xooga dalka iyo macawiislayda naftood hurayaalka ah ee furumaha dagaalka ku hortaagan cadawga, waxaan Alle uga baryayaa in uu shahaadada ka aqbalo geesiyaalkii ku naf waayey la dirirka Argagexisada”.

Farriinta Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale sida ay bulshadu ula wada dhacday, iyo farriimaha niyad jabinta leh sida canaanta loogala dul dhacayo waxay ku tusinaysaa in shacabku ay feejigan yihiin, halbeegga guushana uu u saxan yahay.

Guushu waa in uu ciidankeennu hore u socdo oo maalin walba magaalo cusub cadawga ka saarayo. Siyaasigii aanan intaas guul u arag asaga iyo shacabku is ma fahmayaan, waana sababta loo leeyahay “ma taasaad keentay?!”. “Maantay waa maalinti la kala baran jiray baqiilka iyo Deeqsiga. Waa maalintii la kala baran jiray geesiga iyo fulayga, waa maalintii labaran lahaa wadaniga dhabtaa iyo kan kale”, Sidaa yiri Nabaddoon Cali Xasan Cali jeesto.

Waa fariin qalbi taabad ah oo ka timid muwaadin dhibane u ah Khawaarijta, waxa uu ku Indho beelay, kana beelay Xubno kale oo ka mid ah Jirkiisa Qaraxii ka dhacay Xaruunta Maamulka Gobolka Banaadir,   Qof kasta oo damiirkiisu nool yahay ee dhageysta fariinta dhibanahaan waxaa dushiisa ahaatay in uu ajiibo oo kaliya.  Cadaw inta uu guul guul kaaga gooyo galista kaagama hooyo, hubaal inta ay Khawaarij Dadkeenna ku gaarsiisay guul guulka kuma gaarsiiseen haddii aan u bareerno, wixii tagay tagee ee Maanta ayay talo nala gudboon tahay,  waana in aynaan u kala harin Suulinta Khawaarijta.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir,Dr: Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab) ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo goobaha laga saaray oo ay ugu dambaysey degmada Ceelbuur, wuxuuna intaasi ku daray in ay dowladdu guuleysato, lagana adkaado cadowga khawaarijta ay cid kasta dan ugu jirto.“In Dowladnimada guulaysato cadowgana laga adkaado waa danta cid kasta”.

Mudane, Muungaab ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay hiil iyo hoo la garab istaagaan Madaxweynaha JFS iyo Ciidamada qalabka Sida ee ku howlan har iyo habeen xoraynta dalka  iyo ciribtirka cadowga Khawaarijta. “Ciddii dooneysa in ay siyaasad ka dhex raadiso xoraynta dalka iimaanka  Allaha geliyo, waxaana leeyahay war hooy sidaasi geela looma kaxeeyo”

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka oo kormeeray xarunta gobolka Banaaadir

Muqdisho-(SONNA)-Xubno ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha( GMDQS) ayaa kormeer shaqo ku tagay maamulka gobolka Banaadir. Xubnaha…

GudahaWararka
January 28, 2025

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS oo qalab casri ka Guddoomay Hey’adda Valar

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS mudane Duran Ahmed Farax ayaa maanta masuuliyiinta Hey’adda Valar la qaatay kulan la xariira…

GudahaWararka
January 10, 2022

Kulanka golaha wasiirrada Puntland oo maanta looga hadlay amniga iyo imtixaanka fasallada 8-aadka+Sawirro

Garoowe-(SONNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland…

GudahaWararkaWargayska
August 26, 2021

Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys…

GudahaMaqaallada
November 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023