Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waa la soo hoobanayaa (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa la soo hoobanayaa (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waa la soo hoobanayaa (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 19, 2024
6 Min Read
Share

Markii la doortay ayuu Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in uu dagaal adag la gali doono Al-shabab oo uu jilcin doono ka hor inta aan laga fikirin in wadahadal lala galo, waana uu ka dhabeyay hadalkaasi, waayo muddo kooban ayaa lagala wareegay Kooxda Khawaarijta ah dhul baaxad iyo dhereba leh oo ay muddo ka badan 15 sano ka talinayeen, iyadoo laga dilay Horjoogayaal iyo Maleshiyaad u dagaalamay.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayey maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha iska soo dhiibaya Ciidanka dowladda, kuwaasi oo ka soo cararaya dhibta iyo halaagga ay dhallinyarada ku heyso kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab, bishan Juun oo kaliya ayaa waxaa gacanta dowladda isku soo dhiibay Horjooyayaal iyo Maleeshiyaad badan.

13-kii biahan Juun Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay Cali Xasan Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cali dheere) iyo Maxamed Cabdullaahi Cali oo muddo ka mid ahaa khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deegaannada Koofur galbeed.

Cali Xasan Cali ayaa khawaarijta ka tirsanaa 12-sanno, isagoo ka soo qeyb-qaatay dagaalada ay kooxdu ku jirto halka Maxamed Cabdullaahi Cali uu isna kaga biiray argagixisada deegaanka 20-jirow wuxuuna u qaabilsanaa baada shacabka ku nool gobolka Baay.

16-kii bishan Juun-naXuseen Axmed Daahir iyo Xasan Cabdirashiid oo muddo dheer ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, ragaan ayaa sheegay in la qalday markii hore, balse hadda ay ka soo hareen fikirkii guracnaa ee Khawaarijta.

Sidoo kale waxay sheegeen inay u dul-qaadan waayeen dhibaatooyinka duurka ku heysta Khawaarijta iyo baacsiga ay kala kulmaan ciidamada qaranka, iyagoo raggii kala tirsanaa argagixisada ugu baaqay inay dhibaatada ka dhaafaan shacabka Soomaaliyeed, iskuna soo dhiibaan dowladda.

18-kii bishan Juun Afar ka mid ahaa horjoogayaashii Khawaarijta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.

Dhinaca kale, dadka ku dhaqan Tuulada Buulo Xaaji iyo Nawaaxigeeda ayaa helay adeegga Internet-ka oo ay horay ugu xannibeen khawaarijta, waxanay shacabku u mahad celiyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ee fuliyay howlgalkaasi guuleystay, islamarkaana dib loo helay adeegyada bulshada ku dhaqan halkaasi.

Horjoogayasha isa soo dhiibay waxaa ugu weynaa Ninka lagu magacaabo Nuur deeq, Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xilligaasi Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan Aagga Wisil ee gobolka Mudug uu isku soo dhiibay mid ka mid ah Amiirada Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa magaca Sarkaalka isa soo dhiibay ku sheegay Nuur Cabullaahi Maalinguur oo loo yaqaan Nuur Deeq, waxa uuna sheegay Wasiirku in Nuur Deeq uu ahaa Taliyaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Mudug, iyo inuu qaabilsanaa inuu Ganacsatada, Odoyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan gobolka Mudug uu usoo diro Telefoonno loogu hanjabo, waxaana uu isa soo dhiibay Bishii Agosto ee sanadkii tegay 2023-kii.

Nuur Deeq waxaa la shaaciyay inuu ku lug lahaa dilal loo geystay Marxuumiinta kala ah:-

  1. Cabdicasiis cabdullaahi qooje. Taliyihii qeybta 21-aad
  2. Maxamed Yasiin tumeey, Duqii hore ee magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntiland.
  3. Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo ee qeybta Galmudug.
  4. Mukhtaar Cabdi aaden, Taliyihii danab ee qeybta Mudug.

โ€œHorjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeeyey Khawaarijta joogta Gobolka Mudug ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug. Horjoogahaan oo watay Gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug”..โ€

Dhallinyadara isa soo dhiibeysa waan soo dhaweynayaa, waayo waxay garteen dhibaatada iyaga lagu hayay, islamrkaana ay Ummadda Soomaaliyeed ku hayeen, waa ilaah mahadiis in dhibkaasi ka soo baxaan, Dadkooda wax la qeybsanadaa, waxaana loo diyaariyay xaruun lagu dhaqan celiyo, loona diyaariyo waxyaabo ay naftoodaiy Waalidiintooda ku anfacaanโ€, sidaasina waxaa yiri:- xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee soomaaliya, mar uu ka hadlaayay dhallinyarada tirade badan ee soo gacangalaya Ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Haddaba maxay ka dhigan tahay isu soo dhiibidda Maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed iyo xooggagga kale ee ku howlan dagaalka kooxda Argagixisada ah, kana soo baxsanaya kooxdii ay ka tirsanaayeen?, taasi oo ay caddeeyeen inay u dulqaadan waayeen silica iyo saxariirta halkaasi taalay, waxayna hoosta ka xariiqiin in soo baxsadakooda ay ku howlanaayeen muddo dheer, islamarkaana ay ka baqayeen in la ogaado, balse nasiib wanaag ay hadda u suurtogashay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Imaaraat-ka oo sheegtay in ay gacan ka geysan doonto wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland

Muqdisho-(SONNA)-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wada hadallada DFS iyo Somaliland Mudane , Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa…

GudahaWararka
August 16, 2023

Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha Sucuudiga

Muqdisho (SONNA): Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada…

GudahaWararka
December 2, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti

Jabuuti (SONNA):ย  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey…

GudahaWararka
October 29, 2025

Soomaaliya iyo Tanzania oo yeelanaya khad duulimaad toos ah

Dar es Salaam-(SONNA)-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ayaa maanta kala saxiixday baaq ka soo baxay kulanka khubarada…

GudahaWararka
July 2, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023