Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waa la soo hoobanayaa (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa la soo hoobanayaa (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waa la soo hoobanayaa (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 22, 2023
7 Min Read
Share

Khawaarijta waxaa ku socda burbur iyo kala firxad, taasi maxaa u sabab ah? Waxaa u sabab ah kadib markii cadaadis uga yimid Xoogagga isbiirsaday ee kala ah Ciidanka Dowladda, kuwa Deegaanka ee Macaawisleeyda iyo saaxiibada caalamaka oo dagaal adag kula jira iyo waliba kuwii u adeegi jiray oo iasa soo dhiibaya, islamarkaana dagaalkaasi oo daba dheeraaday iyo goโ€™doomin lagu sameeyay Khawaarijta ku sugan Deegaannada Galguduud, arrimhaasi oo is biirsaday ayaa loo aaneynayaan kala firxadkooda, waxaana jira isa soo dhiib ay isu soo dhiibayaan gacanta Dowladda oo is leeyihiin meel kale oo aad ku badbaadi kartiin ma leh, waxaana ugu dambeeyay oo shalay ciidanka Dowladda isu soo dhiibay laba Odey oo waxa ay ugu yeeraan Naqiib u ahaa Kooda Khawaarijta ah waxayna kala yihiin Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf.

Labadaan Horjooge oo howlo badan u qaban jiray, waxaan ku bilaabeynee Axmed Cali Gedaf, waxa uu aad in muddo ah ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxaana uu u qaabilsanaa soo ururinta lacagaha baadda ah oo ay u bxsadeen Sakawaatka ee laga qaado Dadka ku dhaqan Deegaannda ku xeeran Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud, waxa uuna isa soo dhiibay Ciidanka Dowladda, kadib markii ay Kooxda Khawaarijtu isaga baxeen Degmadasi iyo hareeraheeda.

Ninka labaad oo ah Cali Maqane waa uu aad ula shaqeyn jiray Kooxda Khawaarijta ah, wuxuuna u qaabilsanaa dhinaca Saadka, sida Hubka iyo waxayaabaha kale ee uu uga soo aruuriyo Beesha uu isagu ka dhashay iyo lacagaha Baadda ah, waxaana la sheegaya in Carruurtiisu kula taliyeen markii Ciidanka Dowladda galeen Magaalada Ceeldheer inuu isu dhiibo Ciidanka Dowladda, islamarkaana ka dalbadaan saraakiisha Dowladda inuusan mar dambe la shaqeyn Kooxda alshabaab, balse waa uu ka diiday Codsiga Carruurtiisu ay ka dalbadeen, wuxuuna u sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu isu dhiibo Dowladda.

Hadda Cadaadiska oo ku batay kooxda uu ka tirsanaa iyo dagaaladdii oo daba dheeraaday iyo howlgal lagu soo qabtay xubno isaga la shaqeynayay oo uu ka mid ahaa Cabaas Garoobshe ayay taasi kaliftay inay iyaguna isu soo dhiibaan Ciidanka Dowladda, kadib markii ay ka baqeen in la qabto iyagoo dagaalamaya ama la dilo.

Labadaan Nin waa Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadafโ€™e oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeeyn jiray Kooxda Khawaariijta ah ee ku sugan Degmada Ceeldheer iyo Deegaanka Cowswayne ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka ee howlgalada ka wada Xadka Galgaduud & Shabeellaha Dhexe. Axmed Cali Gadaf waxaa uuย  Khawaariijta kala shaqeeyn jiray in uu u keeno Xoolaha Baadda ah oo ay ka doonayaan Dadka ku nool Deegaanka Cowswayne, waxaana uu ka mid ahaa Odayaal dhawaan Khawaariijtuย  ku soo bandhigay Deegaankaasi maamlmo ka hor intii aysan gaarin Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaankaasi.

Cali Maqane oo ahaa Ganacsade, islamarkaana in muddo ah u shaqeeynaayay Khawaariijta waxaa uu u ahaa Oday Dhaqameed ama (NAQIIB) waxa ay ugu yeeraan ka soo aruuriyo Xoolaha Baadda ah reerkiis marka ay kooxdu ka dalbato, dhowr jeer oo hore ayuu ka badbaaday weerar ay ku qaadeen Ciidamada dib u xoreeynta Deegaanka, kuwaasi oo ka kala dhacay Deegaannada Cali Yabaal iyo Cowsweyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer.

Firxadka xubnahii la shaqeyn jiray kooxda Khawaariijta ah ayaa yimid ka dib markii howlgalo gaar ah ay Ciidamada Deegaanku ka fuliyeen Degmada Ceeldheer iyoย  Deegaano hoostaga, kuwaasi oo lagu soo afjaray xubno muhiim u ahaa Khawaariijta qaarkoodna Nolol lagu soo watay.

Ciidanka deegaanka oo howl ka fulinaayay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa bishii hore soo qabtay Horjoogihii Baadda shacabka u qaabilsanaa khawaarijta magaaladaasi, kaasi oo mudda ku dhuumaaleysanayay deegaankaasi. Horjoogahaasi ciidanka ay soo bandhigeen ayaa lagu magacabaa Cabaas Caraaye {Garoobshe}, waxaana ciidamada oo howlgal ka sameeyay degmada Ceeldheer ay u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan ninkaan oo mudda dhibaato ku hayay shacabka bariga gobolka Galgaduud, waxa uu sheegay mar uu la hadlay warbaahinta in ciidanku ay si wanaagsan u la dhaqmeyn, isagoo xubnaha kale ee wali ka midka ah khawaarijta ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka,ย  si naftooda loo bad-baadiyo, taasi ayaa keentay ayaa la leeyahay inay saaxiibadiis ay isa soo dhiibaan waa Cali Magaqne iyo Axmed Cali Gedafโ€™e.

Dhinaca kale waxaa soo baxayay kooxo loo bixiyaay Af-khawaarij, oo kuwaasi aad u taageera Kooxda Khawaaijta ah ee Al-shabaab, โ€œJilib markaad ku tukato salaadda Jimcaha waxaad dareemi xasillooni. Dad aan qaad & daroogo kale qaadanin ayaa kugu garab tukani. Dhulka mooriyaantu maamusho dadka mirqaansan ayaa ku badanโ€.

Qoraalkan waxaa bartiisa FCB-ga so dhigay Jamaal Cismaan Channel-4 ee Ingiriiska. Ninkaan inuu soo galo dalka Caasimadiisa Muqdisho waa loo diiday, waxaane laga celiyay Garoonka Aden Cadde, bal maleey imisa milyan oo doolar ayuu ka sameyn jiray dicaayad u sameynta Al-Shabaabka?. Ma ogid mana la socotid kuwa Muqdisho ku soo gala inay yihiin Saxafiyiin u shaqeeyo warbaahin Caalami ah, hadane ah Dhagar qabayaal, Jamal caro ba’an oo uu ilaa iyo hadda ka hurdi la’ayahay ayaa Ingiriiska ku heysa, waxaane uga maqan dhaqaale fara badan oo ka soo geli jiray dicaayad u sameynta Khawaarjta Al-Shabaabja.

Ka garo qoraalkiisa waxa uu Mooryaan ku sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee garatay dhagartiisa u ku soo shaqeysanayey sanooyin badan, โ€œJamal ma xishoodo ee waa cabsadaa waayo waxa u soo caayay shalay oo Talaada ah Halyeyadii ka hor istaagtay in dhagar qabe Jamal soo galo Caasimada Qarankaย  ee Muqdisho waa Xamdi alle in dadka reer Muqdisho gartaan Dhagar Qabayaasha ugu soo dhuunta magac Saxafi iyo inay meel iska saaraan kuwa u soo saarsan in Muqdisho lagu faafiyo waxyaabo badan oo khaldanโ€, sidaasi waxaa yiri Axmed Baj oo ka tirsan suxufiyiinta Soomaaliyeed oo u adkeysan waayay Aflagaadada Ninkaasi.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo Xarigga ka jaray Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga “Sawirro”ย 

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane…

GudahaWararka
December 29, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh oo degmada Cadale ka wada dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka,…

GudahaWararka
March 22, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Roma kaga qeybgalay shirja Talyaaniga iyo Afrika

Roma-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas…

GudahaWararka
January 28, 2024

Xubno ka socda Guddiga Doorashooyonka Qaranka oo gaaray Magaalada Baydhabo

Baydhabo(SONNA):-Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo. Garoonka diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada…

GudahaWararka
May 26, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023