Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waa la soo gaaray xilligii dhamaaadka Khawaarijta (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa la soo gaaray xilligii dhamaaadka Khawaarijta (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waa la soo gaaray xilligii dhamaaadka Khawaarijta (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 9, 2025
4 Min Read
Share

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay si guul leh u fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Shabeellaha dhexe. Howlgalka oo ka dhacay bartamaha degmada iyo deegaanada ku dhow ayaa lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Duqeymo Cirka ah oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka iyo CXDS oo ay wehliyaan hawlgallo dhulka ah oo lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan argagixisada ayaa sidoo kale lagu gubay saddex gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen gaadiid dagaal, halka midka kalena uu ahaa Ambalaas oo ay u adeegsanayeen ujeeddooyin qaldan.

Inta lagu guda jiray hawlgalka, waxaa la qaarajiyay Bashiir Axmed Dhuxul oo loo yaqaanay Bashiir Caadle, kaas oo ahaa Amiirka Dacwada ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe. Khawaarij Bashiir Caadle ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu firfircoon ee ka qeyb qaata abaabulka iyo faafinta fikirka xagjirka ah, waxaana dilkiisa uu dhirbaaxo culus ku yahay hoggaanka kooxda Khawaarijta.

Ciidamada geesiyaasha ah ee Danab ayaa weerarka si xirfadaysan u fuliye, iyagoo bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayeen, kuna diyaarinayeen falal amni darro. Argagixisadii lagu beegsaday howlgalka ayaa ka cararay goobihii ay ku sugnaayeen, iyagoo halkaasi kaga tegay meydad iyo dhaawacyo badan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in howlgalkaan uu qeyb ka yahay qorshaha ballaaran ee lagu ciribtirayo argagixisada, laguna xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa kooxaha argagixisada ah in aan loo dulqaadan doonin khatar kasta oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Abwaanad Shamso Sheekh Cali ayaa Geeraar ku aadan dhaqamada xun xun ee ee kooxda Khawaarijta ah ayay tilmaantay “Muslim aan Ilaah beenin waxay gaal u bixiyaanba baroortoodi soo umadda dhami kuma bishaareysan.”

Dhinaca kale ‘Waa Geesiyaal Wiilasha iyo Gabdhaha Reer Hiiraan, 24 saac wax ka yar ayey khawaarij uga saarteen dhowr magaalo oo ka tirsan Gobolkaasi’.

Sawirkaan waa shalay, goobtuna waa Deegaanka Abooreey oo ka tirsanย  Gobolka Hiiraan, waa Gabar Soomaaliyeed oo Biyo siinaysa Wiil Dagaalyahan ah oo ku Oomay Xabadda uu Khawaarijta ku ridayo, waana dhaqan lagu yaqaan Gabdhaha Soomaaliyeed inay Mujaahidiinta Xoogga Dalka ka daba wadaan Biyo Caano.

Waa Sawir ka tarjumayaย  xaqiiqada Dagaalka ay Dadkeenu kula jiraan Khawaarijta oo ah mid aan loo kala harin. Insha allaah waa laga adkaanayaa Khawaarijta, sidaasi waxaa yiri:- Wasiir Cadaala Kuxigeenka Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaalada culus ee lagula jiro kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab in gabi ahaanba laga saaray deegaanno badan saacadihii la soo dhaafay sida uu ku waramayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, isagoo intaasi raaciyay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay saakay howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geel-gub ee gobolka Shabeellada dhexe Malleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaasi oo si dhuumaaleysi ah u soo galay.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday Malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaankaGeel-gub, si ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah, iyadoo khasaare baโ€™an lagu gaarsiiyay kooxda.

Waxaa maalintii shanaad oo xiriir ah ay geesiyada Qaranka iyo halgamayaasha deegaanku ay weerarro ku ekeeyeen Khawaarijtii isku soo maqiiqday maamulka goboleedka Hirshabeelle, iyadoo saakayna lagu laayay, lagana saaray deegaanka Geel-gub, islamarkaan dhawaan filo warar intaasi ka sii faahfaahsan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda oo si weyn ula socota dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta (WARBIXIN)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa goโ€™aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo sedddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Argagixisada ah…

GudahaMaqaallada
May 27, 2024

Duqa muqdisho oo qaabbilay madaxa howlgalka xafiiska hayโ€™adda UNICEF ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo…

GudahaWararka
June 22, 2025

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer Qaran ah…

GudahaWararka
November 18, 2025

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in berri ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan

Muqdisho, (SONNA):- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii culimada wasaaradda…

GudahaWararka
March 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023