Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waa kuma AUN Sheekh Cusmaan Xiddig (WARBIXIN)+SAWIRRO
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa kuma AUN Sheekh Cusmaan Xiddig (WARBIXIN)+SAWIRRO
GudahaMaqaallada

Waa kuma AUN Sheekh Cusmaan Xiddig (WARBIXIN)+SAWIRRO

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 21, 2024
10 Min Read
Share

Bani’aadamku waa marqaatiga Alle ee Ifka jooga. Qofka Ahlukheyrka ah Uunka oo dhan ayaa wada jeclaada. Sheekh Cismaan saaka waxaa laga sagootiyay caalamkii uu sannadaha badan samaha iyo kheyrka ka waday. Safaf dhaadheer oo dad heer walba bulshada ka jooga ah ayaa xaadiray salaaddii Janaasadda oo saacado badan socotay si loo kala gaaro axbaabtii Sheekha oo u soo qulqulayay haleelidda fursadda qiimaha badan ee sagootinta mid ka mida dadkii ugu fadliga badnaa ee casrigan noolaa. Sidii ifka looga jeclaa in Aakhiro looga jeclaan doono ayaan u rajaynayaa.

Sannadkii 1940-kii ayuu ku dhashay meel la yiraa Dahar Aw-Dhiblaawe oo ah baaddiyaha magaalada Ceeldheer ee Bariga gobalka Galgaduud. Waxa uu ku abtirsadaa Sheekh Daa’uud Culusow oo ahaa caalim weyn, halgamaa iyo hoggaamiye caan ka ahaa goballada dhexe oo diin-fidinta iyo difaaca dadkaba hormuud u ahaa. Sheekh Cismaan-xiddig, isaga oo 5 jir ah ayaa loo billaabay duruusta Qur’aanka. Macallinkiisa waxaa la dhihi jiray ‘Macallin Baay’. ‘Magaca Baay’ waa Usha Ardayda lagu karbaasho. Macallin gacan kulul oo Qur’aanka si fiican looga barto ayuu ahaa.

Mar taariikhda Sheekha laga sheekeynayay, waxaa asaga laga soo xigtay in waagaas uu qur’aanka baranayay uu gaaray heer uu labada dhinacba u seexan waayo xannuunka jeedalinta macallinka dartiis. Waxaysa ahayd billowga ad-adayg, adkeysi iyo u-go’idda barashada diinta oo ka caawisay inuu isagoo aad u da’ yar fahmad fiican yeesho culuum badan oo diineedna barto. Markii uu 10 jir noqday ayaa loo soo wareejiyay magaalada Ceeldheer. Waxa uu ku biiray xerta adeerkiis Sheekh Cabdullaahi Sheekh Daa’uud, halkaas oo looga billaabay barashada culuumta diinta, gaar ahaan Axkaamta iyo Naxwaha.

Intaas ku ma uusan ekaanin, ee barashada diinta waxa uu ugu xereystay culumo kale oo waaweyn, sida Sheekh Abba Cali Sheekh Cali Maye oo uu dhowr sano magaalada Marka la joogay, asagoo u ahaa arday iyo muriid daacad ah oo si fiican uga soo diin-qaatay. Sheekha waxa uu yaraantiisii billaabay in uu ka saahido dhalaalka iyo dheregta adduunka. Wuxuu yeeshay dabeecado raad ku reebay noloshiisa iyo caafimaadkiisaba. Waxa uu ahaa mid gaajada iyo hurdo-la’aanta la saaxiib ah,  waxaana la sheegay illaa markuu Ceeldheer Ardayga ku ahaa inuu maalintiina soomi jiray, habeenkiina Salaatu-Leyl iyo cibaado ku soo jeedi jiray. Waxaa dhici jirtay in maalmo badan marka uu masaajid ku jiro ay waalidkiis soo raadin jireen oo ku canaanan jireeen inuu Guriga yimaado oo Raashin fiican ka soo cuno.

Hab-nololeedkaas Alle-u-go’idda ah ee nasashada iyo nolosha raaxada leh ka fog waxa ay Sheekha ka dhigtay mid astaan u noqda dhowr-sanaanta iyo in aysan adduunyadu aheyn meel u qalanta in lagu kadsoomo oo darteed loo Aakhiro-seego. Waxa uu Sheekhu ahaa barbaariye si weyn isaga xilsaaray hagaajinta Ummadda. Waxa uu noloshiisa u huray soo-saarista kummanaan xertiisa ah, kuwaas oo uu daryeelkooda iyo diin-baristooda ka dhigtay mudnaanta koowaad ee noloshiisa.

Dhanka kale, nolosha adag ee istareexa ka fog oo uu Sheekhu naftiisa ku soo carbiyay waxa uu ka dhaxlay xanuunno intii dambe ee cimrigiisa ahaa la soo socday. Waxa uu noqday mid muuqaal ahaan da’diisa si aad ah uga weyn. Hadda oo uu 84 jir ku geeriyooday, dad badan ayay la ahayd in uu boqol xiray. Wax-soo-saarkiisa aqooneed oo aan tiro lagu koobi karin waxay isugu jiraan jiilal badan oo caalimiin ah, goobo cilmiga lagu barto oo meela badan ku yaalla, iyo kutubta uu qoray oo maraajic u ah dadka funuunta kala duwan ee cilmiga diinta ku foogan oo Soomaali iyo Ajaanibba leh. Kutubtaas waxaa ka mida kuwa sawirka hoose ka muuqda.

Taariikh nololeedka Shiikha waxaa soo aruuriyay Maxamed Dhaaleey oo ka mid ahaa Xerta Shiikh Cusmaan Xiddig ka aflaxday. Ilaahay ha u naxariistee, Sheekha waxa uu Ifka uga tegay Qoysas badan oo ballaaran, kuwaas oo isugu jiray carruurtiisa iyo wixii ay sii dhaleen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna aad u xusay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhexaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Tacsi taasi la mid ah u diray Ra’iisul-wasaaraha  XFS mudane Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aaden Madoobe, Masuuliyiin sare oo tirsanaa Dowladihii hore iyo Culumaaudiinka Soomaaliyeed.

” maxaa intaan Makhluuq ah isku keenay ? oo Magaaladii xirxiray oo Wadooyinkii dhan Jaam u yihiin ? kaliya Waa jaceylka ay u qabeen Shiiqooda “, sidaasi waxaa yiri:-  Sh Cali nuur oo ka hadlaayay Salaadda Janaasadda kadib, “Xaramka mooyee meel kale laguma arag”, ayuu sii raaciyay. “Alle markuu addoonkiisa saalixa ah uu jeclaado wuxuu ugu yeeraa Malak Jibriil inuu adoonkaas jeclaado markuu jibriil jeclaado kadib malaaikta kale ayaa jeclaata kadibna dadka dhulka jooga ayaa wada jeclaada”.

Dadkan tira badan waa dadkii maanta ka qeybgalay Janaasada Caalimka Soomaaliyeed ee Sheekh Cismaan Xidig oo xalay ku geeriyooday Muqdisho isla maantana lagu aasay Magaalada Muqdisho. Sheekh Cismaan wuxuu ahaa Caalim rabbaani ah, murabbi Zaahid ah dadka dhanna ay aad u wada jeclaayeen. intuu noolaa Sheekha wuxuu waqtigiisa oo dhan uu ku bixiyay faafinta diinta islaamka iyo soo saaridda jiilal ku hubeysan akhlaaq iyo culuumta shareecada ah.

“Caawa waxa ii soo baxday in uu geeriyooday Sheekh Al-Calaama Al-Faqiih, oo ahaa tafsiirkii suufiga ahaa ee la cusboonaysiiyay, caalimkii Cuthmaan bin Sheekh Cumar bin Sheekh Daa’uud ‘Xiddig allaah ha u naxariistee”, sidaasi waxaa Boggiisa Facebook-ga ku soo qoray Sheekh Coun Alqudumi oo ka mid ah Culumaa’udiinka WadamadaCarabta, islamarkaana u dhashay wadanka Urdun oo mar soo booqday magaalada Muqdisho.

Sheekhu waxa uu ka sheekeeyay taariikhda Sheekh Cusmaan xiddig, “Waxa uu bilaabay xirfadiisa aqooneed isaga oo xifdisan qur’aanka kariimka ah, isaga oo toban jir ah, wixii ka danbeeyayna waxa uu noqday xertii Sheekha, waxaana ka mid ahaa: adeerkiis, xaakimkii Sheekh Cabdillaahi bin Sheekh Daa’uud, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Sheekh Abuubakar bin Sheekh Mohayiuddin. iyo xertiisa Sheikh Hussein Mohammed Mahmoud Atta, caalimkii Sheikh Hussei bin Sheikh Mohammed Al-WarSheikhi iyo kuwo kale. Iyo Fasaaxadiisii ​​Xadiithka Sheekh Muxammad Axmed Maxamuud oo loo yaqaanay “Abba” iyo Sheekh Muxammad Nuur bin Sheekh Ibraahim bin Macallim Siraaj, iyo Fasaxdiisii ​​Calamada Al-Shatri, wuxuuna dariiqii Idiris ka qaatay Sheekhyo badan oo ay ka mid ahaayeen. Abtigiis Sheikh Ahmed bin Sheikh Daoud, iyo Mas’uulkiisa Sheikh Aba Ali bin Sheikh Mohammed bin Sheikh Ali Meye iyo Mashaa’ikh badan”

“Sheekh Cusmaan waxa uu ka mid yahay Sheekha barakeysan ee doorkooda la badiyo, laguna cusboonaysiiyey u adeegidda baaqa Muxamed ee xilligan isbedbedelka ah, si uu Sheekheenu ugu dhawaado dhammaan wixii uu qabtay; aqoon, dhadhamin, adeeg iyo baaqba, waana mid ka mid ah indhihii Jihaadka dhabta ah ee wakhtigan la joogo, waana danta iyo culimadii qarniga Afrika ugu waa waynayd, Xataa lagu naanayso “Xiddig”, Eray Soomaali ah oo macnihiisu yahay Al-Najm Carabi, waxa uu soo kormeeray dhawr iyo toban xarumood, geeso iyo masaajidyo ku kala firirsan afarta dal ee Soomaaliya iyo dibeddiisaba, kuwaas oo Alle mahaddiis ka soo baxay, fadligii Alle, iyo ololihii shareecada Muxammadyah”.

Culumadii Tacsida Sheekha ka hadashay waxaa kaloo ka mid ahaa Sheekh Cali Wajiis “  ” Aniga waxaan Ahay dariiqada axmadiya , Shiiq cismaan xidigna Saaxibkey ayuu ahaa ,hadda ka horna Culima la doodeysa intaan soo raacay ayaan isaga ku dhinac Noqday ” .

kumanaan Xer ah ayaa Lugeynaya Magaalada,  Kuwaasi oo doonaya in ay ka qeyb galaan Janaazada Shiikha, waxaana la magacaabay Cidda bedeleysa, haddaba WAA KUMA SHEEKHA BADALAYA SH.CUSMAAN XIDIG? “Mas’uuliyadii iyo howshii Sheekh Cusmaan Xidig waxaa sii wadaya Sheekh Cabdifataax maanta isagaa noo ah Sheekh Cusmaan Xidig”sidaasna waxaa sheegay Sheekh Maxamed Daauud oo ka mid ahaa Khaadumiinta Shiikha.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ergeyga arrimaha Somaliland oo la kulmay Xamse Warfaa ka tirsan dowladda Mareykanka

Muqdisho (SONNA): Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta la kulmay…

GudahaSiyaasaddaWararka
August 7, 2023

Xildhibaan Maxamed Cajiib oo loo doortay guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay doorashada guddoonka…

GudahaWararka
August 11, 2024

Dowladda Soomaaliya oo wax lala yaabo ku tilmaamtay go’aankii kenya ee hakinta duulimaadyada

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda  federalka soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in Kenya aysan jirin qoraal rasmi ah…

GudahaWararka
May 11, 2021

Maxaa laga filan karaa shirka Culaam’udiinka uga furmay Muqdsiho? (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed oo ka furmay shalay magaaladda Muqdisho ayaa qodobadda looga hadlayo waxa ka mid ah sidii dagaal adag…

MaqaalladaWararka
January 25, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023