Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Waa bilowga xisaabtanka wanaag & xumaan (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waa bilowga xisaabtanka wanaag & xumaan (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waa bilowga xisaabtanka wanaag & xumaan (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 12, 2023
8 Min Read
Share

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose oo Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay, isagoo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga ee Degmada Awdheegle ku sugan, waxaana uu ku ammaanay sida ay geesiyaasha Qaranku cashar ugu dhigeen Khawaarijta diinta ka aradan ee lagu soo qalday weerarkii degmadaasi, wuxuuna  halkasi u tegay inuu aad ugu bogaadiyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka shabeellaha hoose, wuxuuna amray in loo soo gudbiyo dhammaan liiska ciidankii ka dagaal galay Awdheegle ee jabka culus gaarsiiyay Khawaarijta si loo dalacsiiyo, isagoo xusay in Madaxweynaha Qaranka mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu salaan uga wado ciidanka geesiyaasha ah ee dhabarka ka jabiyey Khawaarijta, islamarkaana Askari walba oo howlgalkaasi guuleystay qeyb ka ahaa la dalacsiiyo mid 2-darajo.

Khawaarijtu ayaa sida la ogsoon yahay ay tahay markii 3-aad ay ku jabeen isku day ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan amniga Degmada Awdheegle, taasina ay muujinayso adkeysiga iyo heeganka ay had iyo jeer ciidanku ugu jiraan difaaca dalka, iyadoo Khawaarijta ay dhawaan isku day ama ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ciidanka ku soo qaaday degamada Awdheegle, waxaana halkaasi ay kala kulmeen jab culus, iyadoo looga dilay ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana Khawaarijta khasaare ballaaran lagu gaarsiiyay goobtaasi, waxaana geystay arrintaasi Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa saaxiibada Caalamka, iyagoo si feejignaan ah waajibkooda u gutay oo halkaasi ku laayay khawaarijtaasi, sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka “Meydadkooda ayaa daadsan waddooyinka iyo biyo mareenada, kadib markii si xun loo jabiyay wererarkii gaadmada ahaa ee ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka degan deegaankaasi”, waxaana looga furtay hub iyo saanad fara badan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlayay ciidamada qeyb ka noqon doona dagaalka Khawaarijta ayaa sheegay in uu dhammaad marayo waqtiga khawaarijta, islamarakana ciidanka looga baahan yahay in inta firxadka ee duurka ku dhuumaaleysanayo ay soo afjaraan, wuxuuna intaasi raaciyay in dhaawacyada Khawaarijta uga dhaawacmay howlgallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed aysan heli karin Isbitaallo lagu daaweeyo, taasi bedaekeeda ay dhameystirayaan kuwa waxyeellada ka soo gaarto.

“Khawaarijtu maanta ma heli karaan isbitaal ay geystaan kooda dhaawacma, waa dhammeystirayaan oo kaliya”.ayuu yiri Janaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin, wuxuuna  ugu dambeyn dhammaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ugu baaqay in loo wada istaago sidii la isaga dul qaadi lahaa khawaarijta, isagoona ciidamada u rajeeyay guul,  waxaana la ogsoon yahay in Kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab ay ku jirto xaaladdii ugu adkeyd waqtigan, iyadoo la soo warinayo in jahwareer ku jiraan, ayna heysato labo mid daran mid dooro oo kala ah in ay cadaaladda isku dhiiban ama iyagoo baxsad ah in goobaha ay ku dhuumanayaan in lagu khaarajiyo.

Dhinaca kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro ) ayaa Shacabka ay afduubka u heystaan Al-shabaab ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto, si aan dhibaato u gaarin, maaddaama Dowladda Federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ay dagaal  kula jirto kooxdu oo hadda gabalkooda sii dhacayo, wuxuuna shacabka uga digay in ay wax ku darsadaan, kana ag-dhawaadaan Khawaarijta. Dowladda Federaalka ayaa dooneyso in ay qaaddo tallaabadii ugu dambeysay oo lagu ciribtirayo Argagixisada dhiigyo cabka ah.

” Waxaan leenahay shacabka ay afduubka u hasytaan nimankaan Khawaarijta ah, waxaan idin kaga digeynaa ka dheeraada, wax ha ku darsanina Ilaahey bey ka dheeraadeen, Dowladnimadii bey diideen, islaam-nimadii bey diideen, ciidamada guud ahaan waxay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan,” ayuu yiri Generaal Cirro.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Lugta Xoogga Dalka Generaal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay qaadi doonaan howlgal cir iyo dhul ah oo lagu soo afjarayo jiritaanka iyo gumeysiga ay ummadda Soomaaliyeed ku hayeen Khawaarijta Al-shabaab, kuwaasi oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed gumaadayay, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud ka ah oo howlgalkan guuleystay uu ballan qaaday in mar dhow la arki doono Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarijta, Waddooyinka Dalka oo isku furan iyo shacabka oo si nabad ah isku dhex mushaaxaya (Alle idimkii).

Dhinaca kale Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa 10 milyan oo dollar ku bixinaysa ciddii soo sheegta Axmed Diiriye, oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Cumar iyo Abuu Cubeyda. Abuu Cubeyda ayaa ah hogaamiyaha Al-Shabaab, xilkaas oo uu hayay tan iyo markii uu geeriyooday hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane. Abuu Cubeyda wuxuu qeyb ka ahaa dadkii Godane ugu dhowaa xiligii geerida Godane.

Ka hor inta uusan Godane bedelin, Abuu Cubeyda waxa uu Al-Shabaab ka soo qabtay xilal dhowr ah oo ay ka mid yihiin kaaliye Godane, Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya 2008-dii, iyo Guddoomiyihii Al-Shabaab ee gobollada Baay iyo Bakool inta lagu jiray sanadkii 2009-kii. Ugu dambaytii sannadkii 2013-kii, waxa uu la taliye sare u ahaa Godane, waxaana uu ka soo shaqeeyay “Waaxda Arrimaha Gudaha,” ee al-Shabaab, halkaas oo uu kula socon jiray dhaq-dhaqaaqa gudaha ee kooxda, wuxuu Godane la wadaagaa aragtida al-Shabaab ee weerarrada argagixisada al-Shabaab ee Soomaaliya oo ah mid ah himilooyinka waaweyn ee al-Qaacida.

Taariikhdu markay aheyad 21-kii bisha Abriil, sanadkii 2015-kii, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Abu Ubaidah waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddelay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Abu Ubaidah hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Abu Ubaidah la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo al-Shabaab, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye.

Warar hadda la helayo ayaa sheegaya in Ciidamo deegaanka ah oo ka baxay Degmada Cadaado iyo deegaannada hoostaga ayaa hadda gacanta ku dhigay deegaanka Xinlabi oo Khawaarijta fariisin u ahayd in muddo ah, waxaa kaloo lagu soo waramayaa  in Degmada Ruunnirgood oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ay kaabiga u saran yihiin Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka, halka ay gacanta ku dhigeen Deegaanka Cadcadeey oo ka tirsan Degmadaasi. La dagaallanka iyo ciribtirka Khawaarijta arxanka darran ayaa maalmahaan si xowli ah uga socda guud ahaan deegannada kala duwan ee maamulka Galmudug.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo maanta soo gabagabeyn doono socdaalkiisa rasmiga ah ee Ethiopia

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan Itoobiya kadib casuumaaddii uu u fidiyay Ra’iisul…

GudahaWararka
January 12, 2025

Madaxda Ganacsiga XFS”Dowladda waxaa ka go’an in dalka laga hirgaliyo mashaariiic wax ku ool ah

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Cismaan Daallo oo ka qeybgalay barnaamijka todobaadka warbaahinta ayaa sheegay in ay socdaan…

Gudaha
January 17, 2025

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Shir guddoomiyey Kalfadhiga Saddexaad ee Aqalka Sare

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir…

GudahaWararka
July 12, 2023

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah wasiiradda arrimada dibada dalalka Afrika

Addis Ababa-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac Hurruuse oo magaalada Addis…

GudahaWararka
February 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023