Wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka Ukraine Dmytro Kuleba ayaa sheegay in qarankiisu uu doonayo shir madaxeed lagu soo afjarayo dagaalka, xilli labada dhinacba ay ku jiraan xaalad ย dagaal oo xooggan.
Wasiirka ayaa daneynaya shir madaxeed dhanka nabadda ah oo la qabto muddo laba bilood gudahood ah ,balse ma filayo ayuu yiri in Ruushka uu ka qayb qaadanayo .
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in dawladiisu ay doonayso shir lagu qabto Qaramada Midoobay oo uu dhexdhexaadinaayo ย xoghayaha guud Antรณnio Guterres.
Xoghayaha guud ayaa horay u sheegay marar badanย in labada dal uu dhexdhexaadin karo oo kaliya haddii dhammaan dhinacyada ay rabaan inuu soo dhexgali, afhayeenka Qaramada Midoobay Florencia Soto Nino-Martinez ayaa tiri.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa soo saaray amar kama-dambays ah oo ku wajahan Ukraine inay aqbasho soo jeedinta Moscow oo ay ku jiraan in la dhiibo dhulka uu Ruushku xukumo ama ciidankeedu uu go’aan ka gaari doono arrimahaasi .