Midowga Yurub iyo Tunisia ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashi dhammaystiran oo looga gol-leeyahay in lagula dagaallamo socdaalka sharci darada ah,gaar ahaan dadka doonaya in ay u tahriibaan Yurub.
Madaxweynaha Midowga Yurub Ursula Von der Leyen, Ra’iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte, iyo Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa wadahadalo cusub la yeeshay Madaxweynaha Tuniisiya Kais Saied Axaddii iyadoo tirada muhaajiriinta iyo qaxootiga ka tagaya Tuniisiya iskuna dayaya inay gaaraan Yurub ay si aad ah kor ugu kacday bilahaan.
Heshiiskaan waxaa ku jira in la carqaladeeyo hannaanka ganacsi ee dadka wax tahriibiya, xoojinta ilaalinta xuduudaha iyo kor u qaadida xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo waddanka Tuniisiya oo dhaca Waqooyiga Afrika.
R/Wasaaraha Talyaaniga ayaa MadaxweynahaTunisiaโs Saied ku casuumay shir caalami ah oo ku saabsan socdaalka,kaas oo dhacaya July 23.
Tuniisiya waxaa ku yaal goobo badan oo istiraatiiji u ah safarka badda ee ay deegsaan muhaajiriinta iyo qaxootiga u socdaalaya Yurub..