Muqdisho(SONNA):-Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa mudddooyinkii u dambeeyay aad u soo kordhayey, kadib markii ay u adkeysan waayeen duruufaha nololeed ee maanta heysta argagixisada iyo baacsiga ay kala kulmayaan ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ee hubka qaatay.
Deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa maalmihii lasoo dhaafay iska soo dhiibay tobanaan dhalinyaro ah oo sheegay inay ka laabteen fikirkii guracnaa ee Khawaarijta, kuwaas oo soo dhaweyn wanaagsan iyo nidaam loogu talagalay kala kulmay dowladda.
Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay si ay isaga xoreeyaan Khawaarijta ayaa maalmahaan kordhiyey howlgallada ka socda deegaanada fog-fog ee gobollada dalka, taas oo Khawaarijta ku abuurtay cabsi badan, geeri joogto ah iyo nolosha duurka oo ku adkaatay.