Dhulgariir xooggan oo cabbirkiisu dhan yahay 6.8 ayaa ku dhuftay Dalka Morocco, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta saadaasha dhul-gariirkada ee Maraykanka (USGS).
Ugu yaraan 630 ayaa dhimatay 320 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo sida lagu sheegay warbixin hordhac ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Morocco.
Dhulgariirka ayaa ka dhacday meel 72km (44 mayl) waqooyi bari kaga beegan Marrakesh,waxaanna haatan la la’yahay in ka badan 800 oo dad ah.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo sheegay dhulgariirku ayaa muujinaya gariir la dareemayo iyo dadka oo ku yaacay waddooyinka iyo dhismayaasha oo gariiraya.