Magacaย internetย wuxuu ka yimid ereygaย interconnectionย network, oo loo soo gaabiyeyย internet.
Internetย waa hab aduunka oo dhan u furan iney isu dhaafsadaan ogaalka,wacaasha, cilmiga, ganacsiga iwm. Internet wuxuu ka kooban yahay Shabakadda Kombuyuutaradaย (Computer Network), kuwaasoo xogta ( Data) isu dhaafsada habka loo yaqaanย internet protocol, wuxuuna ka kooban yahey malyuumaad shabakadood (network) sida kuwa jaamacaddaha, ganacsiyada, dowladaha, shirkadaha. kuwaasi oo si wadajir ah isu dhaafsada xog kala duwan oo nooc walba leh sida Sawiradda, Muuqaalada, Codadka, iyo Qoraaladda.
Internetku waxow ahaa natiijo ka dhalatay Mashruuc ay sii daysay Hey’adaย ARPANETย sanadii 1969-kii, kaasi oo ahaa mashruuc ka soo baxay Wasaarada Gaashaandigaย Mareykankaย Barnaamijkaasi waxaa loo aasaasay isku xirka Ciidankaย Mareykankaย iyo jaamacadaha iyo dhammaan Hay’adaha cilmi barista, si looga faa’iideysto Aalada mobil Kowdii Janaayo ee 1983-kii ayaa Wasaarada Gaashaandhiga Mareekanka bedeshay Baratakoolkii NCP, ย kuna wareegtayย TCP/IP. Shabakadaย Internetka.
Haddaba waxaa dalkeenna ka hanaqaaday Shabakadaasi INTERNET-ka ah, waxaana abuurmay Shirkado, kuwaasi oo ku tartamaya suuqyada ama adeegsiinta bulshada, waxaana bilowdayTartan xalaal ah oo dhex mara shirkaddaha bixiya addeega Isgaarsiinta & Internet-ka, marka maxay bulshadu ka faaโiideeysaa tartankaani?:-
– Bixinta Addeeg tayo leh si ay u xajistaan macmiilka jooga kuwa cusubna loo helo;
– Hal-abuur iyo horumarinta addeegyada sida keenista addeega 5G , FIBER OPTIC si aan suuqa loogu kala harin.
– Qiimo jaban si Macaamiisha loogu soo jiito, taasoo ka dhigeysa adeegga isgaarsiinta & Internet-kaba mid jaban oo cid walba ay heli karto.
– Helitaanka addeega (service accessibility) tartanka furan ayaa shirkaddaha ku qasbaya in suuqyada loo kala hormaro, si loogu baahiyo Shabakada ama waxa loo yaqaan goobta addeega, baahidan oo ku badan Dalkeenna Soomaaliya, waxaad arkeeysaa goobo adeeg uusan ka jirin ama ciriiri ku yahay.
Sida ay qortay Wakaaladda Wararka eeย SONNA shirkadda STARLINK ee uu leeyahay Maal-qabeenka Elon Musk ayaa muujisay in ay daneeyneeyso in ay ka howlgasho Soomaaliya kadib kulan ay la qaaday Madaxa Heyโadda Igaarsiinta Qaranka (NCA) sanadi 2023-kii, waxay sidoo kale kulan la qaateen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington, shirkadda SpaceX oo leh tan internet-ka bixisa ee STARLINK.
Waxaa kaloo isweydiin mudan sidee buu noqon doona Suuqa Isgaarsiinta Soomaaliya kadib ku soo biiritaanka SpaceX ama Starlink oo bixineysa addeeg Internet oo Satellite ah, kaasoo Xawaaraha, goobaha adeegga iyo qiimaha wax badan ka badeli doona, laakin suโaasha taagan ayaa ah ย Maxaa hortaagan in Starlink ama SpaceX ay ka howlgasho Soomaaliya tan iyo 2023?
Haddaba waxaa mid lagu horumarinayo adeegyada Isgaarsiinta, heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya Heyโadda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyo Heyโadda Maaliyadda Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IFC, taasi oo hoos timaada Bangiga Aduunka, iyadoo heshiiskani iskaashiga kaabayaasha Broadband ee u dhexeeya labada heyโaddood ayaa ah mid lagu hormarinayo isgaarsiinta Soomaaliya, iyada oo hayโadda IFC ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhanka dhaqaalaha iyo farsamadda.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Naroobi Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in Iskaashigaani uu calaamad u yahay tallaabo muhim ah oo loo qaadayo dhanka horumarinta isku xirnaanta iyo isgaarsiinta Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray, โkobcinta hal-abuurka, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya ayaa ah mid u baahan in loo helo Isgaarsiin casri ah oo la jaanqaadi karta Caalamkaโ.
Internet Xawaarihiisu sarreeyo oo dhowaan laga hergaliyay gudahada dalka Soomaaliya ayaa durbadiiba waxa uu ka beddelay noloshada dadka iyo tan ganacsiga, korna u qaaday qeybo ka mida ganacsiga, kaais oo abuuray fursado shaqo oo cusub, wuxuuna heshiiskani waa wax ka badan hal-abuur โwaa himiladii Soomaaliya oo horseedka u ahaan lahaa barwaaqo iyo horumar ay Soomaaaliya gaartoโ.
Kulankaasi oo ku dhacay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa ka hadlay Mustafa Yaasiin Sheekh oo ah Maamulaha Guud ee Heyโaddda Isgaarsiinta Qaranka, waxa uuna uga mahadceliyay Heyโadda IFC taageerada ay la garab taagan tahay horumarka isgaarsiinta Soomaalida iyo inay taabagal noqonto.