Tartan isboorti oo ku saabsanaa isdhexgal bulsho oo lagu soo gabo gabeeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

Dhuusamareeb (SONNA) – Kulankan xiisaha badan oo ay foodda isku dadareen Naadiyada Ciyaaraha ee iskuulada Galgaduud iyo Ablaal ayaa kama dambeys u ahaa tartan Ciyaareed muddo 15-maalmood ah u socday iskuulada magaalada Dhuusamareeb oo ku loolamey koob sanadeed lagu abaal mariyo Iskuulka hadba ku guuleysta tartanka loo qabto dugsiyada Caasimadda.

Ciyaaryahannada kala matalayey labada Iskuul ee isugu yimid kulankan kama dambeysta ah ayaa muujiyey ciyaar wanaag iyo sida mid walbaa u rajeynayay guusha, waxaase dhamaadka waqtiga ciyaartu guusha 2 iyo 1 ku raacdey dugsiga Sare ee Galgaduud oo ay kulan xiiso badan wada dheeleen Iskuulka Ablaal.

Taageerayaal u sacbo tumayay labada Iskuul oo ay kala taageerayeen iyo mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Galmudug ayaa ciyaartan u soo daawasho tagey, kuwaa oo ugu dambeyn hortooda lagu abaal mariyey Ciyaaryahanada guuleystay.

La wadaag cid kale