Muqdisho.SONNA….Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 10- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Laascaanoon,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Shingaani ay keensadeen 8 dhibcood.
Tartameyaasha labada degmoo eeย Laascaanoodย iyoย Shangaani ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkiiย Afar iyo tobnaadย oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankigaย IBSย iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
ย Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Caabudwaaqย iyoย Hodanย oo ka kala tirsan Gobolladaย Gaalgaduudย iyoย Banaadir.