Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Caafimaadka oo kormeeray Isbitaalka guud ee magaalada Jowhar
    May 14, 2026
    Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Madasha KAZAN
    May 14, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Dhuusamareeb
    May 14, 2026
    Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaqay natiijada doorashadii ka dhacday Koofur Galbeed
    May 14, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
    May 14, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga
GudahaWararka

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

By SB
Last updated: February 14, 2026
2 Min Read
Share

Addis Ababa(SONNA):-Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee Talyaaniga iyo Afrika waxaa lagu guddoomiyay in laga gudbo hannaanka iskaashiga soojireenka ahaa, lana yagleelo iskaashi ku saleysan arrimaha hortabinta u leh Afrika iyo in Afrika ay iyadu go’aamiso masiirkeeda.

Marka laga ambaqaado aragtideenna, iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika waxa uu jidaynayaa ahmiyadda ay leedahay maalgelinta kaabayaasha halbowlaha ah ee horseedaya xasillooni iyo koboc dhaqaale oo waara.

Waxyaabaha hortabinta u leh Soomaaliya waa kuwo cad: xoojinta gegsiga bulshada, inaan dhallinyaradeenna u abuurno fursado shaqo, helitaanka cunto bulshada ku filan, iyo inaan dhaqaalaheenna ku xirno suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

Horumarka ay Afrika ku tallaabsanayso waa inay saldhig u tahay ilaalinta gobonnimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalalka, si waafaqsan mabaadii’da Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Mabaadii’dani ma aha kuwo la tiigsado oo kali ah; waa waajibaad sharci ah oo go’aaminaya badqabkeenna. Tallaabooyinka ay sida goonida ah Israa’iil ugu beegsatay madaxbannaanideenna waxay si toos ah u wiiqayaan nidaamka caalamiga, waana inaan si adag isaga diidnaa.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay iska diidaan nooc kasta oo faragelin dibadeed oo wiiqaysa sharciga caalamiga ah, xasaradna ka abuuraysa gobolka, isla markaana dhaawacaysa kalsoonida u dhaxaysa wadammada.

Maadaama nabadda iyo horumarku aysan kala harin, Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa iskaashiga amniga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Afrika. Waxaan si gaar ah uga mahadnaqaynaa taageerada Talyaaniga ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Talyaaniga iyo dhammaan bahwadaagta qaybta ka ah Qorshaha Mattei, iyadoo qorshahaas lagu hagayo kalsooni, xilkasnimo, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika oo barwaaqo ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Caafimaadka oo kormeeray Isbitaalka guud ee magaalada Jowhar

Jowhar (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji…

May 14, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay Dhismaha Xarunta ay yeelaneyso wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee KGS

Muqdisho (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan…

Wararka
November 24, 2020

Guddiga howlaha xasilinta ee Haya’adda SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Muqdisho(SONNA):-Guddiga howlaha Xasilinta Qaran ayaa maanta yeeshay shirkii bilaha ahaa, kaas oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka…

GudahaWararka
October 31, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo bogaadiyay ciidanka X.D iyo kuwa deegaanka oo Khawaarinta ka saaray deegaannada Ciid-Ciidka iyo Jimbiloow

Jowhar,(SONNNA);- Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shir-guddoomiyay Kulanka toddobaad-laha ee Golaha Wasiirada. Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta…

GudahaWararka
October 12, 2023

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐦𝐨 𝐦𝐢𝐫𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐍𝐨𝐫𝐰𝐚𝐲 𝐢𝐲𝐨 𝐅𝐢𝐧𝐥𝐚𝐧𝐝.

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalooyinka…

GudahaWararka
May 9, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023