Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 14- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Dhahar,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Baraawe ay keensadeen 12-dhibcood.
Tartameyaasha labada degmoo eeย Dhahar iyo Barawe ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkiiย Afar iyo tobnaadย oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankigaย IBSย iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinkaย Dhuusamareebย iyoย Ceeldheerย oo ka wada tirsan Gobolladaย Galgaduud.
Dhinaca kale, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga 3-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, kaasi oo ay u soo gudbeen 8 degmo.
ย