Muqdisho (SONNA)-Allaha ha u naxariistee marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu ku dhashay magaalada laasa caanood ee gobolka Sool sanadka markuu ahaa 1941-kii waxaana waxbarashada aas aasiga ilaa dugsiga sare uu ku qaatay degmada Sheekh. ee uu ku dhameystay dugsiga sare sanadku markuu ahaa 1962-kii .
Galeyr sidoo kale waxa uu ka mid noqday xubnihii barlamaanka dowladdii Dhexe sanadkii 1980.
1989 waxaa uu madaxweyne Maxaned Siyaad Barre u magacaabay wasiirkii waxbarashada waxaana uu haahayay 1996 oo ay ku bur burtay dowladii dhexe.
Galeyr waxa ka mid ahaa dadkii aqoon yahanada ahaa ee ka soo shaqeeyay shirarkii dib loogu yagleelay dowladnimada hada aan ku naalooleyno carta ee lagu qabatay dalka Jabuuti.
Sidoo kale AUN Marxuumka waxa uu noqday xilidhibaan dowladii ku meel gaarka ah ee hogaaminayay Madaxweyne Cabdi qaasim salaad Xasan waxaana 8-dii Oktoobar ee 2000 uu u magacaabay xilka ra’iisul wasaarinimo waxaana uu hayay ilaa iyo oktoobar 28-keedii sandkii 2001.