Italy.(SONNA):- Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay inay dalkeeda ka ceyrisay laba xubnood oo ka tirsan ergada diblomaasiyiinta Ruushka ee ku sugan Talyaaniga.
Arrintaan ayaa timid kadib markii dowladda Talyaanigu xirtay laba qofood oo lagu soo eedeeyay inay basaasiin u ahaayen dalka Ruushka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Luigi Di Maio ayaa bartiisa Facebook ku qoray inay warqad cabasho ah u gudbiyeen safiirka Ruushka u fadhiya Talyaaniga, sidoo kalena ay ku wargeliyeen goโaanka lagu ceyriyay diblomaasiyiinta.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in xubnaha la ceyriyay ay ku lug lahaayeen arrimo halis ku ah dalka Talyaaniga.
Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa tillaabada Talyaaniga ku tilmaantay mid xun oo dhaawac u geysan karta xiriirka u dhaxeeaya labada dal.
Wasaaradda arrimaha dibaddaย Ruushka ayaa wacad ku martay inay jawaab ku habboon ka bixi doonto goโaanka dowladda Talyaaniga.