Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Tallaabada 1-aad ee dib u hanashada xuquuqdii iga luntay (Faallo) 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Tallaabada 1-aad ee dib u hanashada xuquuqdii iga luntay (Faallo) 
GudahaWararka

Tallaabada 1-aad ee dib u hanashada xuquuqdii iga luntay (Faallo) 

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: April 28, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Waxaan ahay Aabbe Soomaaliyeed, da’dayduna waa afartan iyo wax ka badan. Waligay ma codayn, anna la iima codayn. Sidoo kale, Aabbahay iyo Hooyaday midkoodna ma codayn loomana codayn. Marka la eego dunida casriga ah, waa arrin adag in la rumaysto , sababtoo ah inta badan jiilka ila faca ah ilama qabaan xaaladaan.

Tani waa qayb yar oo ka mid ah xaqii muwaadinnimo aan ku waayay dawlad-la’aantii ku dhacday dalkayga,

Maanta, markii ugu horreysay, waxaan isku diiwaangeliyay in aan noqdo cod bixiye, Waxa ugu horreeya ee aan dooran doono waa maamulayaasha Degmadeeyda insha Allah.

Aniga muhiimad iima lahan cidda guuleysaneysa ama ajande qof wato oo mid kale diidanyahay. Waxaase farxad weyn ii ah in aan dib u helay qayb yar oo ka mid ah xuquuqdayda muwaadinnimo oo iga maqnayd.

Tani waxay fure u tahay xuquuqo kale oo wali ka maqan muwaadiniinta aan ka midka ahay. Waxaan rajaynayaa in noloshu i siin doonto fursad aan ku helo xuquuqdaas maqan.

Waan hubaa kuma bilaabanayso sidii ugu fiicnayd balse waxaan kale oo aan hubaa in ay maalin aan dheerayn gaaridoonto sida ugu fiican Insha allaah, ( Safar Kun Mayl ah wuxuu ku bilawdaa hal talaabo).

Waxaan rajo weyn ka qabaa in aniga iyo ubadkayguba aan heli doonno fursad aan kaga qayb qaadanno maalintaas iftiinka leh, insha Allah.

Intaaan oo arrimood ayaa niyaddayda ku dhiirrigeliyay in aan is-diiwaangeliyo, anigoo ay iga hor muuqato humaag qurux badan oo ku gadaaman mustaqbalka na sugaya.

Is-diiwaangelintaydu waxay dad badan ula muuqan kartaa wax yar, balse kuma imaan si sahlan. Waa natiijada safar aad u dheer oo loosoo galay dib-u-soo-celinta dawladnimadii naga duntay.

Soo gaarsiinta heerkan fadligeeda waxaa leh dhammaan intii qayb ka qaadatay halgankaas, mudnaanta ugu weynna waxaan siinayaa madaxda Qaranka ee maanta haysa talada, kuwaas oo soo jiiray jidgooyooyin badan oo loo dhigay si aanay u suurtagalin is-diiwaangelinta ka socota Muqdisho maanta.

Fariinta aan u dirayo muwaadiniinta Soomaaliyeed:

Mudane/Marwo, is-diiwaangelintu waa bar bilowga xaqa codbixinta. Waxay kaa saareysaa in aad marti ka noqoto mustaqbalkaaga. Waxay ubadkaaga u furaysaa nolol ka wanaagsan tan aad adigu haysato. Waxay talada gacanta u gelinaysaa kuwa inoogu wanaagsan.

Marka, waqti haku lumin siyaasadda saacadlaha ah ee marba dhinac isu bedelaysa — hore u soco oo qaado doorkaaga muwaadinimo.

Ogow:

Ninka maanta diidan oo berri difaacaya waad arkaysaa, sidoo kale kuwa maanta difaacaya oo berri diidaya waad arkaysaa. Labadooduba eed ma leh, waana dabeecadda nolosha siyaasadda.

Haddaba muwaadin, adigu taada raac,

Is-diiwaangeli, kadibna codkaaga si xor ah ugu diid cidda aadan rabin, kuna dooro cidda aad aaminsan tahay.

W/Q:- Wasiir ku-xigeenka easaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xubno ka tirsan Boliiska AMISOM oo loo xiray tababar la xiriira Jinsiga iyo xuquuqul insaanka+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa 22 Sarkaal oo ka tirsn Boliiska AMISOM usoo gaba-gabeeyay tababar soconayay Sadex…

Wararka
December 6, 2019

Wasiirka Isgaarsiinta oo kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda QM ee Mashaariicda

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka…

GudahaWararka
October 13, 2025

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay maamulka sare ee xafiisyada madaxda Qaranka

Muqdisho,(SONNNA):- Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka sare ee xafiisyada Madaxweynaha, Xafiiska…

GudahaWararka
July 3, 2023

Baarlamaanka Carabta oo taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Qaahira (SONNA): Baarlamaanka Carabta ayaa war-murtiyeed ka soo saaray xiisada ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyagoo si cad u taageeray…

GudahaWararka
January 21, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023