Muqdisho.(SONNA):- Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey” oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa booqasho dhiiragelin ah ku tegay difaacyada Ururada 144-aad iyo 145-aad ee kawada tirsan Guutada 14-ka October, gacantana ku haya deegaankaas.
G/sare Nur Farey ayaa ciidanka ku bogaadiyay guulihii ay ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ku khaarijiyeen maleeshiyaad ay Khawaarijta ku diyaarinaysay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wuxuuna ciidamada geesiyada ah ku dhiirageliyay in ay laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo sidii looga sifeyn lahaa deegaannada fara ku tiriska ah ay ku dhuumaaleysanayaan.