Muqdisho (SONNA)- Wafdi uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Maanta gaarey Magaaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana Taliyaha Garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka jenaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka.
Ujeedada safarka Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Baydhabo ayaa ah siddii uu uga qeyb geli lahaa Munaasabad ay ku qalin jabineyaan Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Maalinta Berrito ah lagu qaban doono Magaaladda Baydhabo.