Gaalkacyo-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka lugta ee ย Ciidanka xoogga Dalka Dalka Soomaaliyeed, S/guuto ;C/xamiid Maxamed (Dirir) ,ayaa Maanta gaaray Tuulada Af-barwaaqo, halkaas oo ay dhowaan ku dagaallameen Laba malleeshiyo Beeleed.
Janaraal; C/xamiid Dirir, ayaa halkaasi kula kulmay Odayaasha iyo Wax-garadka, si loo qaboojiyo xiisadda colaadeed ee ka soo cusboonaatay Af-barwaaqo iyo Towfiiq oo dhaca Bariga Gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidanka lugta ee ย Ciidanka xoogga Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiisha uu hoggaaminayo oo Shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo ayuu ujeedkoodu yahay sidii loo kala qaadi lahaa Malleeshiyaadka isku hor fadhiya degaannadaas, si ay u billaabaan wada hadallo lagu dhex-dhexaadinayo Labada dhinac.