Muqdisho (SONNA)-Kormeerkaan oo ahaa Mid uu Ugu Guurgalayay Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Xaalada Ciidamada Qalabka sida ee ku sugan Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa waxaa ku Wehliyeyย Sarakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Maxkamada Ciidamada, Saraakisha Qaybta 43aad ee Degaanada Jubooyinka Iyo Gedo.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS iyo Xeer Ilaalinta Maxakamadda Ciidamada ayaa halkaasi kula hadlay Ciidanka Ururka 49aad Guutada 10aad ee Qeybta 43aad XDS, waxaana uu ku bogaadiyey halgamadii dheeraa ee Degaanadaasi Ay uga Xoreeyeen Argagixisada, una sheegay in Taliska Ciidanka Xoogga dalka Uu Qorshaha ugu jiro Garab istaaga Ururka 49aad.
Taliyaha Guutada 10aad G/sare Maxamed Cadow Cali iyo Taliyaha Qaybta 43aad S/guuto Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa ugu horayn Taliyaha iyo Sarakiisha la socday Warbixin ka Siiyay Xaaladda Ciidanka.
Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamid Maxamed Dirir ayaa Ciidanka Kula Dar dardaarmay in sii laba jibaaraan Howlgalada ay ku baacsanayaan Cadowga, islamarkaana ay u diyaar garoobaan xoreynta deegaanada ay ku dhuumanayaan Kooxda Arxanka darran ee Alshabaab.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS iyo Sarakiisha La socday ayaa waxaa ay Kormeer ku tageen Dugsiga Tababarka Ciidamada Qalabka Sida ee magaaladda Baardheere oo ay ku jiraan Ciidamo loo diyaarinayo Xoraynta Degaanada ka maqan Gacanta Dawladda, waxaana Taliyaha uu Ciidamadaan u sheegay in ay helayaan Xaquuqda ay ku leeyihiin Qaranka, ayna ka warqabayaan.