Guri-Ceel(SONNA)- Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ay wehliyaan saraakiil ciidan oo uu ka mid yahay taliyaha qaybta 21aad S/guuto Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa kormeer ku tagay dugsiga Harqaboobe ee duleedka Magaalada Guriceel gobolka Galguduud,halkaasi oo lagu tababarayo ciidan ka tirsan Xoogga dalka.
Taliyaha oo Khudbad u jeediyay Ciidanka ayaa sheegay in ay qayb ka noqon doonaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug,islamarkaana ay qiimeyn doonaan Xaaladda Ciidanka ka hor inta aan dagaalka la qaadin.
Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socotay ayaa kormeer ku sameeyay dugsigaasi, kaasi oo ay ugu kuurgalayaan xaaladda goobta lagu tababarayo ciidanka, waxaana uu tilmaamay in ahmiyadda koowaad ay tahay xaqiijinta Nabadgelyada, loona baahanyahay difaacidda dalkooda iyo ka shaqeynta midnimada.
โAlle ayaa mahad iska leh, waxaan uga mahadcelinayaa dhallinyaradii halkan nagu soo dhawaysay, ujeedka socdaalkeenu waa inaan kormeerno xarumaha ay ku suganyihiin ciidanka xoogga dalka qaybta 21aad, waxaan dhallinyarada ku dhiiri galinayaa inay noqdaan hormuudka dalka, wadanka waxa uu u baahanyahay dhallinyaro aqoon leh sidiina oo kaleโayuu yiri Taliye Cabdixamiid Maxamed Dirir.