Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la yeeshay madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya,( ATMS), Amb. Mohamed El-Amine Suoef, Taliyaha Ciidanka Milatariga ATMIS, Sareeye Guud. Sam Okiding iyo Taliyaha Boliiska ATMIS, Commissioner, Hillary Sao Kanu.
Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta Ciidanka Boliiska iyo qorshayaaaha hortabinta u leh Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ka hor bixitaanka ATMIS.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo tiir dhexaad u ah Ciidamada Qalabka Sida ee JFS ayaa u diyaar garoobaya sidii loo hanan lahaa amaanka Dalka maadama ay mas’uuliyada sugida Amniga guud ee dalku dhawaan ay la wareegi doonaan Ciidamada JFS.