Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si wadajir ah tababar usoo xeray cutubyo ka tirsan Ciidamada Ilaalinta Deegaanka Xamar, oo muddo sedex bilood ah tababar ku qaadanaayay Dugsiga tababarada ee Xerada Gaadiidka Boliiska.
Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Taliyeyaasha Qeybaha Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Col. Mahadi Cumar iyo Col Muxudiin Warbac, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar G/sare Maxamed Carabow Cali,Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Agaasimeyaal, Ururka Haweenka iyo marti sharaf kale oo ka socday heer Gobol.
Gabagabada Munaasibada oo ay daadihinayeen Kooxda Fanka ee Heegan iyo Qeybta Salaan sharafta ee Baanda-Musiko, ayaa shahaado sharf iyo abaalmarino kale lagu gudoonsiiyay Maamulka iyo Macalimiinta Ciidanka Boliiska oo tababarka bixinayay.