Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taliyaasha ciidanka Qaranka Soomaaliyo iyo Itoobiya oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taliyaasha ciidanka Qaranka Soomaaliyo iyo Itoobiya oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray
GudahaWararka

Taliyaasha ciidanka Qaranka Soomaaliyo iyo Itoobiya oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 23, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaasha ciidanka Qaranka ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah soo saaray war-murtiyeed ku Saabsan xaaladda labada dal.

1. Kadib wada-hadal laba geesood ah oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, Mudane Dr. Abiy Axmed, kaas oo ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, 14-16 Febraayo 2025, waxaa la isku afgartay in wadahadal farsamo lagu qabto Muqdisho, Soomaaliya.

2. Iyadoo la raacayo hagida labada hoggaamiye ee labada dal, wafdi uu hoggaaminayo Field Marshal Birhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 22-ka Febraayo 2025.

Taliyaha waxaa wehelinayay Madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISS), Redwan Hussein, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

3. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa kusoo dhaweeyay Field Marshal Birhanu Jula iyo Redwan Hussein Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay iskaashiga adag ee ka dhexeeya labada dal.

4. Taliyeyaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo gobolka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Waxay si gaar ah u xuseen dadaallada ay sameeyeen dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriyay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM/ATMIS) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, kuwaasoo nafahooda u huray tan iyo 2007 si loo xasiliyo dalka loona dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

5. Taliyeyaasha ayaa soo dhaweeyay bilaabista Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga sii amba-qaado guulihii hore ee ATMIS. Waxay carrabka ku adkeeyeen doorka Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo qaabeynta ciidamada ENDF ee ku howlgali doona AUSSOM.

6. Taliyeyaasha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo taageero dadaallada haatan socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada.

7. Labada dhinac waxay isla garteen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay noqoto albaabka kaliya ee xiriirka rasmiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

8. Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo fududeeyo bixitaanka AUSSOM loogana dhigo Soomaaliya mid awood u leh in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda.

9. Heerka xiriirka laba geesoodka ah, taliyeyaasha waxay ku heshiiyeen in la dhiso heshiis ciidan (Status of Force Agreement – SOFA) oo khuseeya dhammaan ciidamada laba geesoodka ah ee ka howlgalaya Soomaaliya, iyadoo saxiixa heshiiska SOFA uu qeyb ka noqon doono heshiiskii Is-afgaradka Amniga (MoU) ee la saxiixay Diseembar 2023.

Waxaa lagu saxiixay Muqdisho, Soomaaliya, 22-ka Febraayo 2025.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmajo oo Xukuumadda faray tayaynta adeegga caafimaad ee xarumaha karantiilka Covid-19

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qeyb galay dhanka Internetka kulanka Guddiga Qaran ee Xakameynta…

Wararka
April 24, 2020

Wasiirka Amniga XFS oo Tababar u soo xiray ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo…

Gudaha
April 14, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay ku-xigeenkiisa oo Baladweyne Safar shaqo ugu maqnaa

MUQDISHO (SONNA)- Madaxweynaha maamul-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle iyo wafdi…

GudahaWararka
September 4, 2021

Barlamaanka JFS oo laga codsaday meelmarinta Hindise sharciyeedka jinsiga+sawirro

Muqdisho (SONNA)- Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen urrurada ka shaqeeyaya arrimaha xuquuqda haween ee  SSWC,IIDA Iyo SWA ayaa looga…

Wararka
June 17, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023