Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo booqasho ku tagay Taliska Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban-yahay Xafiiska maamulka Guutada 14-ka October.
Sarreeye guuto Sahal ayaa marka hore warbixin ku saabsan Xaaladda Shaqo ee Guutada ka dhageystay Taliyaha Guutada 14-ka October G/sare Nur Farey oo ku soo dhaweeyay Xafiiska Taliska Guutada.
Intaasi kadib Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Saraakiisha Xubnaha Guutada 14-ka October mid mid uga wareystay shaqooyinka ay qabtaan, iyagoo warbixin ka siiyay sida ay u shaqeeyaan iyo howlihii u qabsoomay.