Muqdisho (SONNA) In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa maanta lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga dalka oo kaashaanaya Daraawiishta Galmudug ka sameyeen Koofurta Gobolka Mudug.
Taliyaha Ururka 6-aad ee Kumaandoodka Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamuud Suul-nuuge oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay Ciidanka ay dagaal ย ku qaadeen fariisinKhawaarijta ku laheyd inta u dhaxeysa deegaannada Qeycad iyo Bacaad weyne ee gobolka Mudug.
Taliyaha ayaa xaqiijiyay in howlgalka ay wehlisay duqeyn lala beegsaday firxadka Maleeshiyaadka.
Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in xubno ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab gacanta lagu dhigay, kuwaasi oo baxsad ahaa.
Ciidamada Xoogga oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug ayaa xoojiyay howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab ee ka socda Gobolka Mudug.